Ciro iyo Faysal Cali Waraabe oo hanjabay kadib arrin uu billaabay MUUSE BIIXI

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo Ucid ayaa madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ku eedeyay inuu iibsanayo xildhibaanada labada xisbi ee qeybta ka ahaa isbaheysigii mucaaradka, uguna hanjabay inuu ka wantoobo arrintaas.

Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Muuse Biixi uu xildhibaanada ku iibsanayo lacagaha kasoo xarooda canshuurta shacabka, taasi oo ay sheegen inay tahay mid aan la aqbali doonin.

“Waxaad maqlayseen mudanayaal axsaabta mucaaradka kasoo baxay oo yidhi waxa aanu taageernay xisbiga dowladda, mucaarad hadal haya marna lama maqal, waad garanaysaa tirada muxaafadka kasoo baxday ee taageeray mucaaradka, maalintii ay ka soo baxeen ilaa maanta xan baa socota la leeyahay waala dacwaynayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Sidoo kale waxay sheegen in madaxweynaha uu handadaad u geysanayo xildhibaanada muxaafadka ee taageera isbahaysiga mucaaradka, midaasi oo ay ku tilmaameen sharci darro aan laga hari doonin.

“Waxaan leenahay Madaxweynaha lacagtii islaanta hilibka iibinaysa, ninka baabuurka wada ee cashuurta wada marista laga qaadayo, islaanta aan musqul haysan ee aan hadh haysan, lacagtii ummadda masaakiinta ah ayaa maanta lagu iibsanayaa xildhibaanadii,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

“Waa nasiib-daro in cashuurtii ummadda xildhibaanadii lagu xumeeyo, oo wadadoodii laga leexiyo iyo in Rag UCID ah oo aan awood u lahayn in uu yidhaahdo heshiis baan la galay.”

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhaqaale badan ku bixinaya sidii uu Guddoonka golaha wakiilada Somaliland ugu guuleysan lahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda, Yaasiin Faratoon, waana midda ay ka digeen mucaaridka oo si adag uga horyimid qaabka taageero ee madaxweynaha.