28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Guuleed oo aad uga carrooday warqad laga faafiyey oo lagu sheegay inuu…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Warbixin kasoo baxday Madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa lagu beeniyay warqad lagu baahiyay Baraha Bulshada taa oo lagu qeexay in Hogaamiyaha Galmudug C/kariin Guuleed uu aqbalay xil ka qaadista lagu sameeyay.

Warbixinta kasoo baxday Madaxtooyada ayaa waxaa lagu cadeeyay in Hogaamiyaha maamulka uu arrintaasi si aada uga danqaday, isla markaana qaadacay warqadaasi.

Warqada ayaa la sheegay inay baahiyeen dhinacyo kasoo horjeeda Horumarka iyo shaqooyinka maamulka.

Madaxtooyadu waxa ay tilmaantay in warqadan ay soo saareen dad diidan dowladnimada, nabada iyo hormarka ka jira Degaanada Maamulka Galmudug.

Haddalka kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu muujiyay in Saxaafadu ay qaadan karto keliya wararka saxa ah ee kasoo baxa Maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News