Codadka uu Joe Biden ku hogaaminayo Georgia iyo Pennsylvania oo sii kordhay

Philadelphia (Caasimada Online) – Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa ku hogaaminaya madaxweynaha Mareykanka Donald Trump codadka la tirinayo ee gobolka Pennsylvania, isagoo haatan ku hoggaaminaya ilaa 29,000 oo cod, waxaana la filayaa in farqigaas uu koro ka dib marka codadka haray la tiriyo.

Qaadashada gobolkan muhiimka ah ayaa Biden u suurtagelin karta gaarista tirada loo baahan yahay ee 270 codadka ergada doorashada si uu ugu guuleysto madaxweynenimada.

Biden ayaa sidoo kale ku horreeya gobolka Georgia wax ka badan 7,000 cod, wuxuuna hogaaminayaa gobollada Arizona iyo Nevada, inkasta oo tartamadaas aan wali lagu dhawaaqin musharraxa ku guuleystay.

Isaga oo habeenkii xalay ee Jimcaha la hadlayay taageerayaashiisa, xilli ay jireen warar la isla dhexmarayo oo ah in loo saadaalinayo in uu ku guuleysan doono Pennsylvania, Biden ayaa ku sigtay sheegashada guusha.

“Wali ma hayno cadeyntii ugu dambeysay ee guusha, laakiin tirooyinka ayaa noo sheegaya sheeko cad, oo qanaaca leh. Waan ku guuleysaneynaa tartankan,” ayuu yiri Biden.

Haddii Biden uu qaato Pennsylvania, hogaamintiisa ergooyinka doorashada ayaa noqoneysa 273 cod marka loo eego wadarta guud ee ergada doorashada ee Trump oo hadda ah 214.

Nidaamkan doorasho ee Mareykanka, codka shacabka ayaa loo adeegsadaa in lagu go’aamiyo kuwa rasmiga ah ee ergada doorashada ee gobol kasta, kuwaasi oo loo qoondeeyay iyadoo lagu saleynayo tirada dadka gobolka ku nool.

Haddii Biden uu ku guuleysto gobolka Pennsylvania, waxa ay taasi sidoo kale Madaxweyne Trump ka xannibi doontaa waddada guusha.

Trump ayaa hogaaminaya tirinta codadka ee gobollada North Carolina iyo Alaska. Isaga oo aan ku guuleysan Pennsylvania, Trump ma dhaafi karo hogaaminta Biden xitaa hadii uu ku guuleysto dhamaan gobollada kale ee aan wali ku dhawaaqin musharraxa guuleystay.

Biden ayaa Trump ka horreeya 4 milyan oo ah codadka doorashada ee heer qaran. Biden ayaa haysta in ka badan 74 milyan oo cod halka Trump uu helay 69 milyan, iyadoo in ka badan 150 milyan oo qof ay codkooda dhiibteen taasi oo ah tiradii ugu badneyd ee abid doorasho ka dhacda Mareykanka.

Murannada Sharciga

Trump oo qoraal Jimcihii soo dhigay Twitter ayaa uga digay Biden in uu guul hordhac ah sheegto.

“Joe Biden ma ahan in uu si qalad ah u sheegto xafiiska Madaxweynaha. Waan sameyn karaa sheegashadaas oo kale. Dacwado dhanka sharciga ayaa hadda bilowday!” ayuu Trump ku yiri qoraalkiisa Tweeter-ka.

Trump ayaa khudbad uu jeediyay habeenkii doorashada waxa uu ku sheegtay guul.

Ololaha Trump ayaa dood ka keenay tirinta codadka ee dhowr gobol, isagoo bayaan uu soo saaray Jimcihii ku yiri, “doorashadani ma dhamaan.”

Guddiga ololaha ayaa sheegay in madaxweynaha uu ugu danbeyn ku guuleysan doono natiijada ka soo baxda dib-u-tirinta codadka ee gobollada sida weyn la isugu dhowyahay iyo dacwadaha dhanka sharciga ah ee salka ku haya eedeymaha aan caddaynta loo hayn ee musuqmaasuqa codbixinta iyo khaladaad.

Xoghayaha gobolka Georgia Brad Raffensperger ayaa sheegay Jimcihii in dib loo tirin doono codadka gobolkaasi sababtoo ah hogaaminta Biden ayaa ka yar 0.5% ee codadka la dhiibtay.

Ololaha Trump ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo tiriyo codadka gobolka Wisconsin, halkaas oo Biden uu ku guuleysanayo in ka badan 20,000 oo cod.