Col. Caare oo ka jawaabay hadalkii Taani + Shaaciyey talaabo uu qaadi doono

Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha Jabhada ‘Dulmi-diid’, Kornayl Saciid Caare ayaa si adag uga jawaab celiyay hadal shalay ka soo yeeray Taliyaha ciidamada Somaliland, Nuux Taani oo uu eedeymo ugu jeedinayey.

Kornayl Caare ayaa hadalka Taliye Taani ku tilmaamay mid lagu burinayo wada-hadalkii iyo waan-wantii la waday, isagoona xusay in Jabhadiisu ay dagaal u diyaar garoobayaan.

Hogaamiyaha Jabhada ‘Dulmi-diid’, Kornayl Saciid Caare oo arrintaasi ka hadlayana, waxa uu si adag isaga difaacay dilal iyo qas uu ku eedeyay Taliyaha Somaliland, wuxuuna yiri

“Hadalkaa [Taliyaha] waxaan u arkaa mid aanay waxba ka jirin, waxaan u arkaa naf weyday jano, markaan ka waramo Nuux Ismaaciil Taani, anigu waxaan ciidamada soo galay 1994, ciidamadii ugu horeeyey ayaan ahaa laba kuliyadood baan ka baxay mid akadamiya iyo mid staff college ah, intaaba ciidamada waan ku dhex-jiray, dagaalkii lagu qaaday Ceel-bardaale, Hubka iyo Rasaastaba waxa laga qaadayey taliska guud baa laga qaadayey ninkii BKM-da dhiibay buu ahaa”.

“Nuux Ismaaciil Taani waa ninka qaranka Bur-buriyey ee ciidamada qaranka Burburiyey weeyi, ninka ciidamada qaranka qabaa’ilka ka dhigay weeyi, waxa markhaati ku ah afkiisaa ku ah laba kun oo ciidamada qaranka ah ayaa ka baxay ciidamada Qaranka oo dawladd kale galay oo Puntland galay oo wuxuu ku leeyahay awalba ciidanku lacag bilaash ah ayuu iska qaadan jiray bilaash ah isaga ayaa siin jiray oo ku eegayey”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Caqliga Saliimka ahi waxa uu ku siinayaa in nin eedaysane ah waa la magacaabaa, anigu dambiile maan ahayn, Gacan ku dhiigle maan ahayn maxkamad ayaa isii daysay waana la imagacaabay, markaa maxay Maxkamadu ii sii daysay”

“Arinta dilka waxba kama jiraan dadka Ceel-Afweyn yaalaa waa dadkaygii, waa halkii aan ka dhashay, waligay qof gacan bini’aadam wax uma gaysan, waxa weeyi isagaan ku duulanahay Nuux Ismaaciil Taani, Ceel-Afhayna dagaalka ka socda isaga iyo Ina Kaahin ayaa wada”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com