Maqaamka MUQDISHO: PUNTLAND ma hooyadii fitnadaa mise federaalka?

Qaybtii 1-aad ee maqaalka Puntland ma hooyadii fitnadaa mise wa hooyadii federaalka, waxaan ku soo sheegnay qaar ka mid ah hagardaamoyinka ay madaxdii xilalka ka soo qabtay Puntland ku sameeyeen Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Siciid Deni isagoo hagardaamoyinkii halkii madaxdii hore uga tageen ka sii wadaya aya wuxuu bilaabay qorshe siyaasadeed oo ah:

  1. In dawladda dhexe iyo maamulka Jubaland la iska hor keeno.
  2. In Faroole iyo Cumar Cabdirashid loo diro Kismaayo si ay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba u siiyaan Axmed Madoobe.
  3. Si la isaga hor keeno beelaha dega Muqdisho la qaban-qaabiyo shir looga hadlayo maqaamka Muqdisho kaas oo lagu qabto Garowe.

Markan waraystay dad badan oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya, waxaa lala yaabay oo jawaab loo waayay sababta Deni uga hadlayo maqaamka Muqdisho oo uusan uga hadli karin una soo dhacsan karin dhulka ballaaran oo ka kooban gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn oo Somaliland ka haysato Puntland. Waxaa la iswaydiiyay sababta uusan uga hadli karin maqaamka Laascanood, iyo maqaamka Tuko-raq oo ciidamada Soomaliland ka qabsadeen Puntland.

Markii Deni ay u caddaatay inuusan siyaasad iyo xoog midna ku soo dhacsan karin dhulka ka maqan Puntland ayuu wuxuu bilaabay qorshe cusub oo uu ku marin habaabinayo dadka reer Puntland, kuna kala qaybinayo beelaha Soomaaliyeed ee dega Muqdisho, si fashilkiisa loo illaawo.

Maxay tahay ujeedada Deni ka leeyahay maqaamka Muqdisho:

  1. Inuu hor istaago oo fashiliyo mashruuca lagu dhisayo dekadda Hobyo si dekadda Bosaaso aysan u suuq dhicin.
  2. Inuu iska hor keeno dawladda iyo qaar ka mid ah beelaha Muqdisho deggan si Farmaajo u fashilmo.
  3. Inuu isagasii jeediyo cadaadiska siyaasadeed ee u dhexeeya isaga iyo madaxwayne ku-xigeenkiisa.
  4. Inuu reer Puntland marin habaabiyo kana mashquuliyo fashilka siyaasadeed iyo can milatari ee maamulkiisu kala kulmay soo celin la’anta dhulka maamulka Somaliland xoogga uga qabsatay Puntland

Waxaad kaloo is waydiin leh maxaa madaxda Puntland midba midkuu ka dambeeyo uga waddaniyad liitaa, uga waxqabad liitaa, oo ugu adeegaa shisheeye aan rabin in Soomaaliya yeelato dawlad awoodeedu shaqayso oo ay had iyo jeer u hagardaameeyaan qaranimada iyo midnimada Soomaaliyana?

Inta uu Deni ku hoos jiro Faroole, Aaran Jaan laga sugi mayo inuu ka shaqeeyo midnimada iyo dawladnimada Soomaaliya.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “Nin Calool Wayn Iyo Caqli Kala Tage.”

Mar kale aan is waydiino Puntland ma Hooyadii Federaalkaa Mise wa Hooyadii Fitnada ay Soomaaliya ka dhaqaaqi la’dahay oo ka midoobi la’dahay.

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid