Sawirro: Shirar xasaasi ah oo ka dhacay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shirar gaar gaar ah oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Kulamadan oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxa ay u dhexeeyeen xildhibaano ay ka mid tahay Senator Jawaahir Axmed Cilmi, siyaasiga Cali Yare Cali iyo Odayaal ka kala yimid magaalooyinka Gurceel, Matabaan Gala-jir, Xanan-buure, Mareer-gur, Gadoon, Dhuusamareeb iyo deegaano kale.

Intii ay socdeen kulamadan ayaa waxa diirada lagu saaray kala aragti duwaanaashaha soo kala dhex galay dowladda iyo Ahlu Sunna Waljmaaca.

Sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaaday shirkaasi qabsoomida shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo dowaan ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb.

Wararka waxa ay sheegayaan in kulamadani laga gaaray is afgarad, islamarkaana lagu ballamay kuwa kale si loo dhameeyo xiisadaasi.

Xaaladda Dhuusamareeb ayaa maalmihii dambe aheyd mid kacsan, waxaana ay ka dhalatay, kadib markii ay dowladda dhexe ciidamo badan geysay gudaha magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com