Puntland: Hooyadii fitnada mise hooyadii federaalka?

Federaalku waa nidaam dowladeed kaasoo dastuurka dalku uu u qaybinayo awoodda dowladda maamul goboleedyada ka tirsan dawladda dhexe iyo dowladda dhexe.

Awoodaha dowladda dhexe ee fedaraalka gaarka u ah waxaa ka mid ah: Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Dhaqaalaha, Lacag Samaynta, Baasaboorada, Maamulidda Xuddudaha Dhulka, Hawada, Badda, Uruurinta Canshuuraha, Sugidda Amniga, iyo Horumarinta Kaabashaaya Dhaqaalaha (Infrastructure), iwm.

Maamul goboleedyadu waxay iyaguna leeyihiin nidaam maamul hoosaad ah, oo dastuuurka waddanka u yaal uu si cad u qeexay si ay si gaar ah ugu maamushaan gobolladooda.

In kasta oo dastuurka Soomaaliya aan wali la dhamaystirin, haddana intii badnayd waa la qoray, wayna ku heshiiyeen dawladda dhexe iyo maamul goboleedyadu, inkast oo ay jiraan caqabado hortaagan in dhakhsa ah loo dhamaystiro.

Haddaba waxaa is waydiin leh maxay Puntland mar walba u horseeddaa khilaafka ka dhex dhaca maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe, iyadoo fagaare kastana uga faanta inay tahay hooyadii Federaalka?

Jawaabtu waxay tahay Puntland waxay rabtaa inay federaalkana ka mid ahaato isla markaasna hesho sed bursi iyo xuquuqo dheeri ah oo aysan helin maamul goboleedyada kale, taladii ay soo jeediso iyo mowqifkii ay qaadatana aan laga daba hadlin.

Runta marka laga hadlo bur-burka, musiibada, iyo fitnada ku dhacday Soomaaliya ilaa intii ay xorriyadda ka qaadatay waxaa badankiisa sabab u ahaa dad ka soo jeeda Puntland.

Tusaale ahaan:

  1. Markii Qaramada Midoobay ay oggolaadeen in Soomaaliya la siiyo 10 sano oo daakhilyo ah (UN trusteeship) oo lagu diyaarinayo kaadirkii dalka maamuli lahaa, ayaa dawladda Ingriisku u timid madaxdii SYL iyo odoyaashii Italian Somaliland, waxayna ku dhaheen haddii aad Ingriiska u doorataan inuu 10-kaas sano idin maamulo waxaan idiin ballan qaadaynaa inaa shanta Soomaaliya aan midayno oo isu keeno. SYL iyo odayaashii koonfurtu waa diideen oo waxay yiraahdeen anagu Talyaani baan ku hadalnaa, Ingiriisna ma naqaan, haddii Ingiriis waddanka qabsadana dad kale (reer waqooyi) ayaa xukunka waddanka la wareegaya, anaguna cidlaan ku soo dhacaynaa. Sidaas baa Talyaani taladii waddankii loogu dhiibay. Talyaanina meeshuu Soomaaliya dhigay cid walba way ogtahay oo iska daa in shantii Soomaaliya midowdo e, labadii midoobay baa sii kala bur-buray.
  2. Madaxwayne Cabdirashiid Cali Sharmarke waxaa dilay nin reer Puntland ah.
  3. Afgambii 1978-dii oo sababta u noqday in dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay bur-burto waxaa hoggaaminayay Cabdullahi Yusuf.
  4. Jabhaddii ugu horraysay oo dawladdii cadowga ahayd ee Itoobiya hoos tagta oo halkaas dagaallada iyo xasillooni darrada ka soo abaabusha waxay tii SDF.
  5. Nidaamka Federaalka ee qabiilka iyo 4.5-ka ku dhisan waxaa noo keenay Puntland.
  6. Maamul goboleedyada waxaa noo sameeyay reer Puntland.
  7. Ciidamadii Itoobiya waxaa markii ugu soo horraysay si buuxda u soo galiyay Cabdullahi Yusuf.
  8. Heshiiyadii fitnada keenay ee maamul goboleedyadu ay ugu samaysteen is bahaysiga ka dhanka ah dawladda dhexe waxaa noo horseeday Cabdiwali Gaas oo reer Puntland ah.
  9. Hanjabaadda lagu hayo dawladda dhexe iyo xiriirka hadba loo jarayo waxaa mar kasta bilaaba Puntland.
  10. Caqabadda ugu wayn oo hor taal inuu dhamays tirmo dastuurka waxaa horseed u ah Puntland.

Marka aan is waydiino ee Puntland ma Hooyadii Federaalkaa Mise Hooyadii Fitnada oo Soomaaliya ka dhaqaaqi la’dahay oo ka midoobi la’dahay.

Waxaad kaloo is waydiin leh maxaa madaxda Puntland midba midkuu ka dambeeyo uga waddaniyad liitaa oo ugu adeegaa shisheeyaha, Puntland iyo Soomaaliyana u hagardaameeyaa?

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid