Tallaabooyinkii ka dhanka ah Somalia ee ay qaadday Kenya February ilaa May

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qaaday tilaabooyin ka dhan ah dowladda Soomaaliya  Shantii Bilood ee lasoo dhaafay , waxaana jiray heshiisyo ay galeen dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo Mas’uuliyiinta Kenya ay ka baxeen.

February 16, 2019 Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay u yeertey safiirkeeda Soomaaliya inuu dalka dib ugu soo laabto, iyadoo safiirka Soomaaliya ee Kenyana fartey inuu dowladiisa wadahadal la soo yeesho.

Kenya ayaa sheegtey in ay ka careysan tahay  sida ay dowlada Soomaaliya u beecgeysey shidaalka dhulbadeedka Kenya ee dhaca xuduuda Soomaaliya

Qoraalkaas ayaa lagu sheegey in xaraashkaas uu ka dhacay magaalda London 7dii February ee sanadkan 2019ka.

March 06, 2019 Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ku gaareen in dib loo soo celiyo xiriirka labada waddan, kadib wada-hadallo ay Nairobi ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta.

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday 16-kii February markii Kenya ay soo cayrisay safiirka Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan islamarkaana u yeeratay safiirkeeda Muqdisho, Lucas Tumbo.

Dadaalka lagu soo Afjaray xiisadda labadda dal waxaa kaalin weyn ka qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo ay si wadajir ah Magaalada Nairobi u tageen Madaxweyne Farmaajo.

March 19, 2019 Ciidamada Kenya ayaa ka baxay degaanka Buusaar ee hoostago degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo halkaasoo ay haysteen dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, waxaa sidoo kale xilligaasi ay ka baxeen degaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Gedo taas ayaa lagu sheegay in ay tahay Culeys la saarayo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

May 10, 2019 Dowladda Kenya ayaa joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, Kenya ayaa ku sheegtay War kasoo baxay  in dhammaan duulimaadyadii tooska ahaa ee ka iman jiray magaalada Muqdisho ay soo maraan magaalada Wajeer ka hor inta aysan u gudbin Nairobi.

Diyaaradaha ka imanaya Soomaaliya ayaa mar walba mari jiray Wajeer, hase yeeshee heshiis dhex-maray labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, bishii March ee 2017, ayaa lagu ogolaaday duuliimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi.

May 21, 2019 Saddex mas’uul oo ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Kenya u diiday in ay galaan Magaalada Nairobi ka dib markii loo diiday in Baasaboorka diplomaasiga ah ee ay wateen loogu dhufto Visa dalka ku galka Kenya.

Saddexda Mas’uul ayaa kala ahaa wasiir ku-xigeenka tamarta iyo biyaha Cusmana Libaax Ibraahim , Senetor Sam Sam Daahir iyo Senetor Ilyaas Cali Xasan.

May 29, 2019 Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan ogolaan doonin inay dalkeeda soo galaan alaabo aan cidina la socon oo la soo saaro duulimaadyada kaga yimaada dhinaca Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in shixnadaha noocaasi ah ay Kenya la wareegi doonto, ayna burburin doonto.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhammaan Go’aamaddaan ay qaaday dowladda Kenya ay yihiin kuwo ay dooneyso in ay dowladda Soomaaliya ay Caddaadis ku saarto si ay uga laabato dacwadda Badda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com