Warbixin: Itoobiya ma waxay Kenya ku garab-siineysaa cadaadiska Soomaaliya?

Dowladda Itoobiya ayaa todobaadkan waxay qaaday laba talaabo, kuwaasoo aad uga careysiiyey dad Soomaaliyeed oo aad u badan.

Tan hore, bogga rasmiga ah ee wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya, waxaa isbuucaan lagu soo daabacay khariiradda Afrika oo Soomaaliya laga saarey.

Intaasi waxaa wehlisay in Somaliland laga dhigay dal madax banaan halka Soomaaliya inteeda kale lala mideeyey dalka aan badda lahayn ee Geeska Afrika dhaca.

Daqiiqado kahor inta aysan soo shaac-bixin khariiradaasi ayaa si degdeg ah looga saarey, waxayna wasaaraddu arrintaasi ka bixisay raali gelin buuxda.

Qoraal kooban oo wasaaradu soo saartay ayaa lagu sheegay in ay tahay khalad farsamo oo dhacay, balse waxay wacad ku martay in ay baaritaan ku sameyn doonto.

Xukuumada Muqdisho oo arrintaasi ka fal-celisay waxay sheegtay in ay aqbashay cudur-daarka Itoobiya, ayna rumeysan tahay in aysan ahayn “fal ola kac ah”.

Mar kale, shalay, waxaa dibadda timid in Itoobiya ay saddex dal u kala qeybisay Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Barta xiriirka diblumaasiyadda ee wadamada caalamka ee wasaarada arrimaha dibada Itoobiya, waxaa kasoo muuqday Puntland iyo Somaliland, oo dal ahaan loo diiwaan-geliyey.

Maamuladaasi waxaa Itoobiya u jooga Qunsulyo, halka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya uu ugu magacaaban yahay danjire, kaasoo Muqdisho fadhigiisu yahay.

Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed oo uu ku jiro Yuusuf Garaad, wasiirkii hore ee arrimaha dibada, ayaa falkaan ku sifeeyay “kala qaybin ay Itoobiya ku sameyneyso dalka Soomaaliya”.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia dalalka ay ku leedahay ergo diblomaasiyadeed waxay ku dartay Puntland, Somaliland iyo Soomaaliya. Dowladdeennu ma aha in ay u aammusto sidii ay u aammustay markii Ethiopia iyo Somalia ay isku dartyay Addis Ababa,” ayuu yiri Garaad.

Mar kale, afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa shaaciyey in “dowlad ahaan aysan u aqoonsaneen Somaliland iyo Puntland ayna u arkaan maamulo hoostaga dowladda federaalka ah”.

Talaabooyinka is-xig-xiga ee ay qaadeyso Itoobiya ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadda ay jirto xiisad salka ku haysa dacwada la xiriirta dhanka badda oo u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Addis Ababa ayaa horey u sheegtay in ay ka shaqeyneyso isu soo dhowaanshiyaha labada dal. Balse ficiladii ugu dambeeyay ayaa la sheegayaa in ay calaamad su’aal gelinayaan doorkaasi ay sheegatay.

Nairobi ayaa qaadatay bilooyinkii lasoo dhaafay go’aano ay cadaadis siyaasadeed ku saareyso Muqdisho. Tusaale ahaan, waxay joojisay duulimaadka tooska ee labada caasimad.

Intaasi kuma aysan simin, waxay mas’uuliyiin Soomaaliyeed kasoo musaafurisay garoonka xarunta dalkaasi, iyada oo u diiday Baasaboorka diblumaasiga ah.

Xukuumada hadda talada haysa oo kaliya jawaabteeda kusoo koobtay “walaac” ayaa nan tan iyo xiligaasi qaadan go’aan adag oo ay uga fal-celineyso “daan-daansiga” Kenya.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee kiiska badda labada wadan ay hortaalo, oo ay Kenya dooneyso in laga laabto, ayaa la filayaa in dhamaadka sanadkan 2019 ay soo saari doonto go’aanka ugu dambeeya.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin talaabada ay Itoobiya qaaday ee Somaliland iyo Puntland ay waddan ahaan ugu diiwaan-gelisay barteeda xiriirka diblumaasiyadda.

Isha: Garowe Online