Coldoon oo ka horyimid tallaabadii ay Somaliland dad ugu xirtay Qowmu-luudnimo

Hargeysa (Caasimada Online) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo sidoo kale ah Samafale ka shaqeeya arrimaha bini-aadantimada ayaa si adag uga horyimid xukunka ay Somaliland ku riday qaar kamid ah dad loo soo xiray Qowmu-luudnimo.

Somaliland ayaa shalay shaacisay in 40 qof loo soo xirey dhaqan xumadaasi, kuwaasi oo qaarkood lagu xukumay 8 sano oo xadhiga ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo difaaca ee Golaha Guurtida Somaliland.

Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed (Ilkacase) ayaa sheegay in dadka loo haysto ficiladaasi 12 kamid ah maxkamad la geeyay, inta baadhis lagu wadana ay yihiin 16, halka 8 kamid ah yihiin Garsugayaal iyo 4 qof oo lagu xukumay min 8 sano oo xadhig ah.

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka hadlay arrintaan, ayaa ka horyimid xukunkaasi oo ku tilmaamay inuu yahay “xukun baadil ah oo aan bannaanayn,” sida uu hadalka u dhigay.

“In xadhig 8 sannadood ah ama ka badan ama ka yar lagu xukumo Khaniisiinta ay Khaniisnimadu ku caddaatay ma ah xukun uu Allaah soo dejiyay ee waa xukun baadil ah oo aan bannaanayn,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Xukunka Allaah waa dil. Rasuulku (CSW) waxa uu yidhi “kuwa aad ku heshaan iyaga oo samaynaya falka qoladii Luud dila sameeyaha iyo lagu sameeyaha ba”.”

Coldoon ayaa sidoo kale waxa uu soo jeediyay si loo cirib-tiro dhaqamada noocaan ah ee ku faafaya gudaha bulshada Soomaaliyeed in marka hore laga hortago halka ay kasoo baxayaan.

“Kaasi waa qodob, qodobka kale haddii la doonayo in la cidhib-tiro dhaqankan silloon iyo dhaqammo kale oo la mid ah waa in laga hortagaa ilaha ay ka soo baxayaan khaniisnimada iyo gaalnimadu-ba.”

Somaliland ayaa gudaheed dhowr jeer laga soo wariyay in dad loo xiray eedo la xiriira Qowmu-luudnimo, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay si weyn usii kordhayay.