Sawirro: DF oo 100 askari ka dhoofisay garoonka Aadan Cadde iyo halka loo wado

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dirtay ku dhawaad 100 askari.

Askartan ayaa tababar kusoo qaadan doona dalka Jabuuti, ayada oo taliska Booliska uu maanta garoonka kusii sagootiyay ciidamadaan.

Ciidamadan tababarka loo qaaday ayaa gaaraya ku dhawaad 100 askari, kuwaasi oo la sheegay in muddada saddexda bil ah ee tababarka u socdo lagu bari doono xirfadaha kala duwan ee booliska sida; ka hortaga rabshadaha, barista dambiyada iyo fulinta howl-gallada qorsheysan.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye-guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed oo ciidanka ka sagootiyay garoonka Aadan Cadde ayaa ciidanka kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan muddada uu tababarka socdo.

“Juhdi iyo waqti ayaa la idinku bixinaya waxaa la idinka rabaa in aad faa’iido kala soo laabataan, waxaa la idinka rabaa in sharafta uu leeyahay ciidanka Booliska in aad ilaalisan marka tababarka tagtaan,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waa idin garab taaganahay, waxaan rajeynayaa in aad u faa’iideysan shacabkiina, u adeegtaan dadkiina iyo dalkiina haddii Ilaahay Idmo.”

Ciidamadan ayaa noqonaya dufcadii 16-aad ee loo qaado dalka Jabuuti, si ay ugu soo qaataan tababar kor loogu qaadayo heerka aqoon iyo tayo ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.