DF oo digniin kasoo saartay dhul ku yaalla Xamar oo la iibinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa war kasoo saartay dhul ay sheegtay in sifo sharci darro ah lagu iibinayo, maadama uu yahay mid dowladeed.

Wargelin kasoo baxday wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa waxaa looga digay dhamaan dadweynaha ku nool gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa in aysan iibsan dhulkaasi.

Sida ay sheegtay wasaaraddu dhulkaan ayaa waxa uu ku yaalla Siinka Dheer R2, islamarkaana wuxuu saaran yahay Wadada Afgooye, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.

“Waxaa looga digayaa shacabka Soomaaliyeed in aanay ku kadsoomin dhulkaas oo lacagtooda ku khasaarin,” ayaa lagu yiri warqada wargelinta ah ee kasoo baxday Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.

Wasaaraddu faah-faahin intaas ka badan kama bixin dhulkan, marka laga imaado in bulshada gobolka aysan ku kadsoomin dhulkaasi oo lacagtooda ku khasaarin.

Si dhab ah looma oga illaa hadda cidda iibineysa dhulkan ay ka digtay wasaaradda, kaasi oo ay sheegtay in uu yahay mid dowladeed.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu dhawaan Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka uu ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta, bixin karta ama iibin karta.

“Hantida Qaranka looma isticmaali karo wax ka baxsan danta guud, waana in sida ugu dhaqsaha badan loo diiwaan-geliya hantida dowladda ee gacantooda (hay’addaha dowladda),” ayaa lagu yiri qoraal dhawaan kasoo baxay xafiiska Hanti-dhawrka Guud.