Donald Trump oo halis galiyey qoyska madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump doorkii uu ku lahaa rabshadihii 6-dii Janaayo ka dhacay Aqalka Mareykanka ee Capitol-ka.

Rabshadahaasi oo sii ballaariyay khilaafka u dhaxeeya labadooda, xilli ay isku diyaarinayaan inay ku loollamaan musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ee doorashada sannadka soo socda.

“Madaxweyne Trump waa uu khaldanaa,” ayuu yiri Pence intii lagu guda jiray casho-sharafeedka sannadlaha ah ee Gridiron oo ay kasoo qayb-galeen siyaasiyiin iyo suxufiyiinn.

“Xaq uma lahayn in aan doorashada diido. Hadaladiisa aan ka fiirsashada lahayna waxay halis galiyeen qoyskeyga iyo qof kasta oo ku sugnaa xarunta Capitol-ka maalintaas, waxaana ogahay in taariikhdu ay kula xisaabtami doonto Donald Trump.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka.

Hadalka Pence ayaa ah cambaareyntii ugu weyneyd ee ka timaadda shakhsi mar daacad u ahaa oo inta badan ka fogaan jiray inuu ka hor yimaado.

Trump ayaa horay ugu dhawaaqay inuu yahay musharax, laakiin Pence ma uusan shaacin weli, hase yeeshee wuxuu Pence dhigay aasaaska ololohiisa doorashada.

Maalmaha ka horreeyay Jan. 6, 2021, Trump wuxuu ku cadaadiyay Pence inuu meesha ka saaro guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashada, marka uu kor-joogteynayo xafladda shaacinta natiijooyinka doorashada.

Laakiin Pence waa uu diiday, waxaana markii ay kooxda rabshadaha wadday ay soo galeen xarunta Capitol-ka ay qaar ka mid ah ku dhawaaqayeen inay rabaan “inay deldelayaan Mike Pence.”