Cosoble: Kooxda FARMAAJO wax ayey ka ogeyd xasuuqa Shabaab ee dadka Hawiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo wareysi gaar ah bixiyay ayaa dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inay raali ka ahaayeen in Shabaab ay xasuuqdo beesha Hawiye.

“Beesh Hawiye waxaa soo maray ku fiirsasho Shabaab, sida aad moodo in la yiri Shabaab gebigoodaba barakiciya oo dhulka ka saara ayey u dhaqmeen, waa waxyaabaha tuhunka keenaya xiriirka kooxdii hore ee Nabad & Nolol iyo Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.

Waxa uu sheegay in dowladdii hore ay dhibaatooyin xooggan u geysaneysay dadka ka hadla beegsiga ay Shabaab ku hayso Hawiye, taasi oo uu tilmaamay inay tahay ku tala-gal aan meel loogu soo gaban, sida uu sheegay.

“Nimankaas waxay raali ka ahaayeen in Shabaab ay Hawiye xasuuqaan oo laayaan. Shan sanno oo lasoo dhaafay in nala laayo waa nagu fiirsadeen, ninka kugu fiirsado in lagu dilo sow raali kama ahayn,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay “Maalmihii doorashooyinkii wixii qaraxyo Beledweyne iska daba dhacayay ee loo jixin-jixeyn oo la-lahaa doorashada ha socota, oo kuraas dad loo xirayay. Beesha Hawiyaha la yiraahdo waxa soo martay ku fiirsasho Shabaab.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in dowladdii Farmaajo aysan dagaal dhab ah la galin kooxda Al-Shabaab, ayna xiligeedii sii xoogeysatay kooxda oo hadda uu dagaal xoogan kaga socdo gobolada dalka.

“Waa la isa-soo gaari doona, subax kaliya sidii wax samada kasoo dagay la arki maayo wixii oo is wada badalay laakiin dabka (xoreynta) waa is gaaraya,” ayuu yiri Cali Cosoble oo sii xoojinaya dagaalka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.