Cosoble oo shaaciyay cida ka danbeysay xil ka qaadistii lagu sameeyay

Jowhar (Caasimada Online) – Hogaamiyihii maamulka HirShabelle ee xilka laga qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa ka hadlay xil ka qaadista ay ku sameeyen Xildhibaanada maamulka.

Cosoble waxa uu sheegay in go’aanka xilka looga qaaday uu yahay mid ay ka danbeysay dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Waxa uu Cosoble sheegay in dowlada Federaalka ay kaalin weyn ka qaadatay xil ka qaadistiisa, waxa uuna cadeeyay in maalmihii danbe uu khilaaf kala dhexeeyay, sida uu hadalka u dhigay.

Cosoble oo magaalada Jowhar waraabhinta kula hadlayay ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in dhibaatada ku dhacday ay hormuud u aheyd dowlada, balse waxa uu farta ku goday inay hirgaliyeen mas’uuliyiin kasoo horjeeday Siyaasadiisa.

Cosoble waxa uu sheegay in arintaan ay salka ku heyso arinta wadamada Khaliijka kadib markii isaga uu taageeray xulufada Sacuudiga, taas oo uu u arkay danta Shacabka Soomaaliyeed.

Khilaafka dowlada Federaalka iyo Cosoble ayaa sidoo kale ahaa mid bilowday wixii ka danbeeyay doorashada Somalia ee uu kusoo baxay Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, dowladda Somalia ayaan weli ka hadal haddalka Cosoble ee ku aadan in xilkiisa ay ka qaaday dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com