Daawo: Siilaanyo oo wareysi xasaasi kaga hadlay Wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo oo wareysi dheer bixiyay ayaa wuxuu kaga hadlay arimo badan oo xaalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland uu kaga hadlay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa su’aalo laga weydiiyay doorashooyinka la filayo iney Somaliland ka dhacaan sedex bil kadib awooda xisbigiisa Kulmiye iyo hadalo adag oo uu udiray Xisbiyadda mucaaradka ah.

Sidoo kale, waxaa uu ka hadlay xaaladiisa caafimaad, heshiisyadda Carabta iyo arrimo kale oo wadahadalka Soomaaliya kamid yahay.

Hadalka maadxweynaha Somaliland ayaa imaanaya xilli bilaha soo socda lagu wado in deegaanada Somaliland ay ka bilowdaan doorashooyinka guud.