Xog: Wasiir Juxa iyo wasaaradda shaqada iyo shaqalaha oo isku dhagan markii uu keenay 15 qof oo beeshiisa ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo  Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa iyo wasaaradda iyo shaqada Shaqaalaha ayaa isku dhagan kadib markii la isku qabtay 15 qof oo uu wasiirka dalbaday in loo shaqaaleyso kuwaas oo dhamnaatood kasoo jeedo Beeshiisa, gaar ahaan jilibka uu isaga kasoo jeedo.

Cabdi Faarax Juxa oo maalmihii dambe u xuubsiibtay qabyaaladnimo ayaa dhibaato lagu qabay wasaaradda Arrimaha gudaha oo uu keenay shaqaale badan oo beeshiisa ah, isagoo ku doodayo inuu kursigaan ugu fadhiyo beeshiisa isla markaasna ay lagama maarmaan tahay inuu shaqaaleysiiyo dad badan oo kasoo jeedo Beeshiisa.

Iyadoo loogu dulqaadanayey ficilada uu wasaaradda dhexdeeda ka wado, ayuu haddana Juxa bilaabay inuu shaqaale badan oo beeshiisa ah geeyo wasaaradda shaqada iyo Shaqalaaha taasoo laga keenay su’aalo badan .

Wasiir Juxa oo is biday awood dheeri ah markii uu ku guuleystay loolankii ka dhashay xil ka qaadistii uu ku sameeyey xoghayihii joogtada ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa u hanjabay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, wuxuuna u sheegay inay dhibaatada ka dhalata arrintaas mas’uuliyadeeda qaadi doonto wasaaraadda.

Sida mid kamid ah agaasimayaasha wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha u sheegay Caasimadda Online , wasiir Juxa ayaa soo qortay ilaa 15 magac oo dhammaantood ah beeshiisa, waxaana la xaqiijiyey inay wasaaradda ku celisay waraaqdaas loona sheegay inaysan macquul aheyn in tiro intaas la eg oo hal beel ah halmar la daawaangeliyo.

Cabdi Faarax Juxa oo inta badan muujiyo inuu yahay Muwaadin ayaa hadda waxaa la arkayaa isagoo ku dhaqmayo waxyaabo shaki gelin kara sumcadiisa, maadaama uu horey wasaaradda Arrimaha Gudaha u geeyey shaqaalo badan oo beeshiisa ah kuwaas oo aan heysan kaarka shaqada iyo Shaqaalaha, wuxuuna mushaar ahaan u siiyaa lacago uu musuq maasuqay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u ballan qaaday inay ka hor tagi doonto musuq maasuq balse waxaa hadda muuqdo inuu Wasiirka Arrimaha Gudaha ku dhaqmayo musuq maasuq aan geed loogu soo gamban.

Qaar ka tirsan Agaasimayaal waaxeedyada Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo diiday in magacooda la xuso ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in si deg deg ah loo soo farageliyo dhibaatada uu Wasiir Juxa ku hayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxayna ka dhawaajiyeen inuusan wasaaradda horey usoo marin Wasiir ka musuq maasuq badan Juxa.

Wixii warar ah ee kusoo kordha khilaafka ka dhex dilaacay Juxa iyo Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allah.