Guddiga Doorashada maamulka Hirshabeelle oo la magacaabay

Jowhar (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheikh Cusmaan Barre iyo Labadiisa ku-xigeen ayaa shir guddoomiyay kulan lagu dooranayay  Guddiga doorashada Madaxweynaha oo qorshihiisu yahay in muddo 30 cisho gudahood lagu soo doorto

Guddigan ayaa ka kooban 9 xubnood, iyagoo ka shaqeyn doona diyaarinta iyo qabashada doorashada Madaxweynaha,

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Guddiga doorashada ay maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonaan xilliga doorashada Madaxweynaha ay dhaceyso iyo shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali ka hadlin Xiisada siyaasadeed eek a taagan magaalada Jowhar,iyadoo maanta Xildhibaano taageersan madaxweyne Cosoble ay xilka ka qaadeen madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe.