Cosoble oo shaaciyay qorshe la xiriira heshiiskii Itoobiya oo qeyb ka tahay Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ka hadlay heshiiskii Addis Ababa ay dhawaan ku gaadheen Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed ayaa far muuqay qorshe halis oo laga leeyahay heshiiskaasi.

Cosoble ayaa ugu horeyn sheegay in heshiiskan uu yimid kadib markii ay soo muuqatay ifafaalo ay Soomaaliya dib isugu taageyso cagaheeda, kadib dagaalka Al-Shabaab lagu qaaday iyo cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya laga qaaday.

Inkasta oo madaxweynihii hore ee HirShabelle uu weerar qaawan ku qaaday Somaliland, haddana waxa uu far-muuqay in heshiiska badda laga leeyahay qorshe ah in Al-Shabaab ay weerarto Itoobiya, si ay xukuumadda Addis Ababa u xalaaleysato duullaan ay soo qaado, islamarkaana u lunto xasilloonida curdinka aheyd ee ka hana qaaday Koonfurta Soomaaliya.

“Qorshaha kooxda Somaliland wuxuu yahay in ay Al Shabab weerarro ku qaadaan Itoobiya si ay Itobiyana u soo daba gasho uguna soo gudubto gudaha Soomaaliya, kaddibna uu bilowdo kacdoon shacabka Soomaaliya ay kaga soo horjeedaan ciidamada Itoobiya, halkaana ay ku lunto xasiloonida ka bilaabatay Koofurta Soomaaliya, Al-Shabaab-na ay helaan taageero dibna ugu laabtaan deegaanadii laga sifeeyay.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa dagaal ka dhan ah Itoobiya ku dhawaaqday kadib markii uu soo baxay heshiiska ay Somaliland ku siineyso Itoobiya qeybo kamid ah badda Soomaaliya, ayada oo durba bilowday raadinta dagaal-yahaano cusub oo ay qorato, xilli bilihii dambe ay kordheen dhalinta la qalday ee kasoo goosatay kooxda.

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble

Malaheygii baa ii muuqda. Biixi maxaa ku qasbay inuu badda bixiyo? Wuu og yahay ineysan suurtagal aheyn ee muxuu ka shaqeynayaa?

Dagaalkii lagu qaaday Al Shabaab iyo guulaha isdaba jooga ah ee laga gaaray, cuna-qabateynta hubka ee la qaaday iyo deynta laga cafiyay Soomaaliya wexey welwel ba’an ku abuureen hogaanka Somaliland.

Waxaa u muuqatay iney Soomaaliya cagaheeda isku taageyso, rajadii ay ka qabeen iney Somaliland ictiraaf heshana ay dhimatay.

Haddaba kuwii duudka Al Shabaab iyo dhiiga shacabka Soomaalida ku raadinaayay aqoonsiga markey xaqiiqsadeen inaan Somaliland la ictiraafeyn ayey halkey ka tanasuli lahaayeen riyadoodii beenta aheyd oo ay walaalahood Muqdisho wax la qeybsan lahaayeen, wexey door bideen, si ay u sii seeta dheereystaan hantida shacabka Somalilaana u sii boobaan, waxey ku fekereen iney xiisad ka dhex abuuraan Soomaaliya iyo Itoobiya ayagoo ka faa’iideysanaya baahida waalida ah ee ay Itoobiya u qabto bad.

Qorshaha kooxda Somaliland wuxuu yahay iney Al Shabab weerarro ku qaadaan Itoobiya si ay Itobiyana u soo daba gasho uguna soo gudubto gudaha Soomaaliya, kaddibna uu bilowdo kacdoon shacabka Soomaaliya ay kaga soo horjeedaan ciidamada Itoobiya, halkaana ay ku lunto xasiloonida ka bilaabatay Koofurta Soomaaliya, Al Shababna ay helaan taageero dibna ugu laabtaan degaanadii laga sifeeyay.

Somaliland waa maskaxda khawaarijta ayada ayaana dhowr iyo toban sano u adeegsaneysay ineysan Soomaaliya xasilin.