Sababta Itoobiya weli ugu dhiiran la’dahay aqoonsiga Somaliland kadib heshiiska

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa dhawaan jabisay mid kamid ah mabaa’dida aas-aasiga ah ee ururka Midowga Afrika iyo kan caalamka, oo ay fara-gelin qaawan iyo duulaan dhuleed ku sameysay mid kamid ah dalalka Midowga Afrika oo ah Soomaaliya, kadib markii heshiis beeneed ay ku rabto bad ay Addis Ababa kula saxiixatay Somaliland.

Tan iyo markaas dadka waxay isweydiinayaan waa maxay sababta ay u go’aansan laadahay Itoobiya in ay ballan-qaado inay aqoonsaneyso Somaliland.

Marka la eego xeerarka caalamiga ah iyo midka Midowga Afrika-ba, Itoobiya ma aqoonsan karto Somaliland.

Laakiin maadaama ay hadaba heshiis badeed iskala saxiixdeen Somaliland oo ay u muuqdaan dal aan sharci celinayn inay hadana dib usii dhigaan fulinta codsiga Somaliland ee ictiraafka waxaa lagu fasiray inay Addis Ababa fahamsan tahay inay adag tahay inuu heshiiskan dhaqan-galo, maadaama Soomaalida ay si weyn u diideen, sidoo kalena uu caalamka dhinaca iskaga riixay dhaqankan ugubka ah.

Dadka ka faalloonaya xiisaddan waxay leeyihiin Itoobiya ma fileyn heerka fal-celinta uu la kulmay heshiiskan iyo inuu caalamka sidaan deg-degta ah uga hor imaan doono heshiiska ay ku rabto badda.

Waxaa sababta ay ugu dhiiran la’yihiin ictiraafka oo ay shardi ugu xirayaan loo arkaa hubanti la’aanta dhanka dhaqan-galka heshiiska Somaliland ay la galeen.

Sidoo kale Itoobiya ayaa diiday inay sheegto intuu noqon karo saamiga ay suurta-galka tahay in Somaliland laga siiyo diyaaradda Ethiopia Airlines iyo sida ay Somaliland faa’iido ku heli karto sanadka ay diyaaraddu khasaare gasho.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wajahayay dhowrkii sano ee u dambeysay culeysyo uu kala kulmayay gudaha Itoobiya. Iyada oo la xasuusto dagaalkii uu la galay Tigrayga, haddana wuxuu hadda dagaal kula jira qabiilka Amxaarada, tii oo inbadan Oramada kamid ah ay diidan yihiin siyaasadiisa qaris ka tuurnimada.

Warbaahinta waaweyn ee qaaradda Afrika iyo kuwa Caalamka-ba waxay badankood tabinayaan in Abiy Ahmed uu culeys badan ka haysto gudaha Itoobiya, uuna isku dayayo inuu arrintaan iskaga dejiyo culeysyadaas iyo inuu ku raadiyo midnimada Itoobiyaanka, balse uu dhankiisa fahamsan yahay sida ay u adag tahay dhaqan-galka heshiiskan.