Cosoble oo shaaciyey ballan Farmaajo ka qaaday dadka Muqdisho balse ka baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadka ku nool Gobolkan Banaadir aysan wax xaquuq ah ka heysan dowladda Federaalka, isla markaana dowladda ay u sameyn la’dahay maamul u gaar ah.

Cosoble ayaa sheegay in xilligii doorashada uu Madaxweyne Farmaajo u balan qaaday in Maamul gaar ah uu u sameyn doono Muqdisho, hase yeeshee uusan fulin balantaas, waxaana uu ugu baaqay in uu madaxweynaha uu fuliyo balantii uusameeyey.

“Madaxweynaha Xildhibaano kasoo jeeda Muqdisho ayuu yiri I doorta Banaadir State ayaan ku dhawaaqayaa laakin ma fulin, marka in dadka Muqdisho laga dabageeyo ma fiicno lana yiraahdo dowladnimada dhowra wixii kasoo baxana anagaa leh ayuu yiri” Xildhibaan Cosoble.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka Muqdisho aan lagu kalifin inay dhib ka shaqeeyaan oo ay u guuraan Ceelasha Biyaha ee xaquuqdooda haka helaan dowladda oo hala siiyo.

Dadka Muqdisho ayaa ah dadka kaliya ee ay ku tiirsan tahay dowladda Soomaaliya, oo biilata canshuurta laga qaado iyo dakhliga kasoo xarooda dekeddooda, hase yeeshee wax xuquuq ah kuma laha dowladda haba yaraatee.

Hoos ka dhagyeso Cosoble

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com