Cosoble oo shaaciyey cida khilaafka maamullada iyo DF gadaal ka riixeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii hore ee maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa shaaca ka qaaday in shirka Kismaayo ay kaalin weyn ku lahaayen wadamo shisheeye.

Cosoble, waxa uu sheegay in qabashada shirka Kismaayo ay ka danbeeyen mas’uuliyiin shisheeye oo ku sugan Somalia, waxa uuna ayaan daro ku sheegay in dal dhismaaya laga daba shaqeeyo.

Waxa uu Cosoble tilmaamay in shirkaasi lagu soo beegay xili inta badan maamulada ay ku howlan yihiin doorashooyin, hase yeeshee ay muhiim tahay in dowlada Somalia lagu garab istaago sida ay uga gudbi laheyd xiisada jirta.

Waxa uu Cosoble, sheegay in waxa ay ka cabanayaan maamul Goboleedyada aysan aheyn wax jira ,isla markaana ay ahaayen keliya kuwo fulinaayay dano shisheeye.

Waxa uu tilmaamay in qodobadii ka soo baxay shirkii magalada Kismaayo ay dhamaantoodu yihiin kuwo ay ka danbeyso ujeedooyin gaar ah,balse waxa uu ku sifeeyay in madaxda maamulada ay yihiin qaran dumisnimo sida uu hadalka u dhigay.

Dowladaha ku lugta leh ayuu sheegay inay yihiin kuwo waligooda faragalin ku hayay Siyaasada Somalia, hase ahaatee ay mar un ku fashilmi doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, madaxda maamulada ayuu ugu baaqay inaysan ka dheeren xadka loogu tallo galay isagoo carab dhabay in taariikhda ay ka qori doonto wax waliba oo ay geystaan.

Haddalka Cosoble, ayaa kusoo beegmaya xili uu sii xoogeysanaayo khilaafka dowlada Dhexe kala dhexeeya maamulada, iyadoo laga muujinaayo walaac ku aadan in leysku fiirsado khilaafka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com