Xog: Kulankii Farmaajo iyo Mustafe Cagjar oo looga hadlay qodob muhiim ah

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahu Farmaajo oo maanta gaaray Addis Ababa si uu uga qeybgalo shir ay IGAD ka yeelanayaan arrimaha gobolka ee uu isagu hormuudka ka yahay ayaa waxaa madaarka ku soo dhaweeyey madaxweynaha Somali State, Mustafa Cagjar.

Labada hoggaamiye ayaa yeeshay kulan kooban ka hor inta uusan madaxweyne Farmaajo u gudbin shirka.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu marka hore ku bogaadiyey Mustafe Cagjar dadaalada is bedel ee uu ka wado Soomaali Galbeed, kaddib markii loo doortay sii hayaha xilka madaxweynenino.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa u ballan qaaday in dowladdiisa ay hiil iyo hoob la garab istaagi doonto Mustafe si Soomaali Galbeed nabad iyo horumar loogu soo dabaali lahaa.

Kaddib markii uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ka codsaday madaxweyne Farmaajo in uu ka caawiyo wada-xaajoodka uu la galayo jabhadda ONLF, madaxweynaha waxa uu u xaqiijiyey Mustafe Cagjar in uu si hagar la’aan ah arrintaas ugala shaqeyn doono dowladda Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com