Wafti ka socda Muqdisho oo maamul goboleedyada tegaya iyo qorshe socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Joogtada ee Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxa ay ku sheegeen in ay guddi u diri doonaan xarumaha maamul goboleedyadda.

Guddigaan ayaa loogu tala galay in ay kasoo talabixiyaan Cabashadda dowladda dhexe ay ka muujiyeen maamul goboleedyadda iyo wada shaqeyn xumada ka jirta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Kulanka ka dib war kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ayaa loogu baaqay Madaxda maamulada in ay joojiyaan abaabulka Siyaasadeed ee ay ka waddaan degaanada ay jooggaan oo ay ka qeyb ka yihiin Mooshinada.

Golaha Aqalka Sare waxa ay sheegeen in ay gudan doonaan waajibka dastuurkiga ah ee ka saaran maamul goboleedyadda, islamarkaana ay dadaal badan ay ku bixin doonaan sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka xilliggaan taagan.

Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda maamulada iyo dowladda dhexe ayaa sii xoogeystay ka dib markii dhawaan Madaxda maamulada ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wafti ka socda Muqdisho oo mmaul goboleedyada tegaya iyo qorshe cusub oo lagu dhawaaqay