Shirkadda Imaaraadka ee DP World oo jawaab kulul ka bixisay go’aankii Geelle

Dubai (Caasimada Online) – Shirkadada dekedaha Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa shaaca ka qaaday inay qaadi doonto dhammaan tallaaboyinka sharciga ah, si ay u difaacdo saamiga ay ku leedahay dekedda Doraleh ee dalka Jabuuti, kadib markii saamigaas ay dowladda Jabuuti qarameysay.

“Jabuuti waxa ay si indho la’aan ah u jebisay sharciga caalamiga iyo qandraasyada ganacsi ee dunida” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay DP World oo loo soo diray Caasimada Online.

DP World ayaa sheegtay in go’aanka loo qaatay si loo diido amar kasoo baxay maxkamadda sare ee Britain, kaasi oo Jabuuti ka mamnuucaya inay ka baxdo heshiiska ay la gashay dowladda Jabuuti.

“Maal-gashtayaasha dunida waa inay laba mar ka fakaraan maal-gaashiga Jabuuti, oo ay dib u qiimeeyaan heshiis kasta oo ay la galaan Jabuuti, sababtoo ah dowladda dalkaas ma xushmeyso heshiisyada, waxayna wax ka bedeshaa ayada oo aan cidna ogeysiin” ayay tiri DP World.

Sagaalkii bishan, dikreeto madaxweyne oo uu soo saaray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayuu ku sheegay in dowladda Jabuuti ay si buuxda ula wareegtay dhammaan saamiyadii DP World ee dekedda Jabuuti.

Qoraalka ayaa lagu yiri “iyada oo laga duulayo go’aanka ay horay madaxtooyada Jabuuti uga soo saartay iney gabi ahaanba maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale kala wareegtay maamulka Shirkadda PDSR ee maareynta dekedda gacanta ku haysay”.

Dowladda Jabuuti ayaa waxay si cad u xaqiijisay iney DP World ay dib ugu soo laaban karin Maamulka Dekadda.

22-ka bisha Febraayo ee 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006-dii.

Qoraalka xukumadda Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyey iney shirkadda ilaa iyo xilligaa caqabad ku ahayd horumarka dalka Jabuuti.

Dekadda Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com