Hogaamiyeyaasha maamul goboleeyada dalka ma aha 2-da aqal ee dastuuriga ah

Hordhac/Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi aqristoow, waa su’aal da’weeynoo madaxa daalineeysee, sababta markii horaba loodhisay Aqala Saree Baarlamaanka (The Senate), soow ma aheyn inuu matalo maamul-goboleedyada? Hadii hogaamiyeyaasha maamul-goboleedyadu rabaan, ineey iyaga is matalaan, maxaa looga baahan yahay Aqalka Sare marka? Dhanka kalase, soow taa micnaheeda manoqoneyso, in baahidii iyo hadafkii loodhisay Aqalka Sare-ba meesha laga saaray?

Marka aad ufiirsato wadamada nidaamka Federaalka ah qaatay, sida Mareeykanka-oo dadka Federaalka/Farado-Aalka udooda, eey tusaalooyinka usooqaataan, bal waligaa ma aragtey, mase maqashay meel lagu leeyahay, gudoomiye-goboleedyo midoobay (Council of Governors), ayaa sidii ineey yihiin golayaasha sharci-dajineed (House of representatives and the Senate), sharciyo iyo go’aanno masiiri ah, dalkoo dhan uwada dajinaya ama uwada gaaraya?  Tusaale ahaan: Sida kheeyraadka dalkoo dhan loo qeeybsanayo, ogoow waa heer qaran ama Federaal’e, iyo waliba sida eey noqonayaan nooca doorashooyinka ee dalkoo dhan ….iwm? Waxaa; nidaam dowladeedoo federaal ah, oo caalamka laga yaqaano maaha. Soow dhaqan siyaasadeedoo fool xun maaha, iyo waxaan la aragoon la maqal? Soow maaha foowdo iyo maamul xumi meeshii ugu darneyd? Soow ceeb iyo fadeexo dalkoo dhan kuma ah, hadaan wax laga badalin?

Tusaale ahaan dalkan Mareeykanka, oo ka mid ah dalalka qaatay nidaamka federaalka, waxeey maamulladiisa (States) udirsadaan dowlada dhexee federaalka, min labo Senator, kuwaasoo gobolkooda lagasoo doortay, si eey ugu matalaan go’aannada heerka qaran ah, ama  federaal ah, iyadoon loo eegin sida eey maamullada ukala dad badanyihiin. Golahaa Aqallka Sare (The Senate), iyo kan kale Baarlamaanka, ee lagu magacaabo (House of representatives) ayaa mas’uul ka ah, wixii sharci-dajin ah, ee dalkoo dhan wada saameeynaya, iyagaa si gaar ah uleh, iyagaana looga dambeeyaa.

Marka laga hadlayo go’aannada maxalliga ah, ee heer gobol ah (State level), ama heer magaalo ah (City level) ame heer dagmo ah (County level), mid walba wuxuu leeyahay golihiisa sharci-dajineed ee ugaarka ah, ee sharciyada udajiya, balse shuruucdaa waa hadba heerkooda oo kaliya. Shaqsiyaad gudoomiye gobollo ah iskadaaye, goloyaashaa sharci-dajineed, ee heerarkaa aan soo xusnay ah, marnaba shuqul kuma laha, manasoo faragalin karaan, kaallina ugama banaana, arinta ah dajinta sharciyada dalkoo dhan wada saameeynaya, ama heer federal ah. Waxaad moodaa in hogaamiyeyaasha maamullada rabaan, ineey isku qasaan waxbadan, si eey uhelaan awoodo dheeri ah, oo sharci ama dastuuri aheyn, si eey waxkasta faraha ulagalaan, una noqdaan “La-Madaxweeynayaasha” amuuraha dalkoo dhan, iyagoo kawada cararaya, in awoodahooda siyaasadeed, iyo ka dhexmuuqashadooda siyaasada dalka, ku ekaato heer maamul-goboleed oo kaliya. Nasiibdarase! Waxaa usii fududeeynaya arintaa iyada ah, aqbalaada iyo unugulsanaanta dowlada dhexe, oo aqbaleeysa wax aan sharci iyo nidaam doowli ah toona aheyn, oo marnaba eeysan aheyn ineey ogolaato. Doowlada maanta jirtana, waxaad moodaa ineey isaga aqbashay oo kaliya, doowladii inaga horeeyseybaa hore u aqbashay! Saxse maaha, waana arin sixid degdeg ah ubaahan.

Waxaa sidoo kale isweey mudnan, golahan lamagacbaxay “Golaha Amniga Qaranka”, ee ka kooban madaxda dowlada dhexe, iyo hogaamiyeyaasha maamul-goboleedyada, soow ma aha sidii kii ladhihi jiray “Madasha Wadatashiga”, ee sidoo kale ka koobnaa madaxda dowladii dhexee hore, iyo madaxdii markaa joogtaye maamul goboleedyada, kuwaasoo markii dambe howlihii baarlamanka si cad ulawada wareegay, oo hada magaca uun laga badalay? Mase yahay gole dastuuri ah, oo sharci iyo go’aano kasoo saari kara, doorashooyinka soosocda, iyo qeybsashada kheeyraadka dalka, sidii ineey yihiin hey’adaha sharci-dajinta ee dalka? Mise dalku wuxuu leeyahay Gole Sharci-Dajineedoo ka kooban labada aqale baarlamaanka Soomaaliyeed? Waa yaabe sidee lagu ogolaaday, ama wax caadi ah loogu qaatay, ineey boobaan howlihii iyo waajibaadkii labada aqale dastuuriga ah, ee sharci-dajineed, oo iyaga oo kaliya xaqa ulahaa, ineey wixii shuruuc-dajin ah ee dalkoo dhan ah, looga dambeeyo, marka laga hadlayo heer qaran, ama heer Federaal?

Talo soojeedin

1-Doowlada dhexee Soomaaliyeed, ee loowada dhanyahay, waxaa ku haboon ineeysan kusirmin, sidii dowladii ka horeeysey ugu sirmatay ookale, oo eeysan kasoo dhexmuuqan, ogolaanna goleyaal aan aheyn labada aqal, ineey sharci iyo go’aano masiiri ah, oo dalkoo dhan saameeynaya gaaraan. Howlaha sharci-dajineed, iyo in si sharci ah, dastuuri ah, go’aan masiiri ah oo dalkoo dhan saameeya loo wadagaarana, waxaa iska leh oo kaliya, labada aqale baarlamaanka. Waa in loodaayaa, laguna ixtiraamaa. Waana sida eey kujirto dowlad wanaaga (Good governance).

2-Labada golee shacabka, oo eey ugu horeeyaan hogaankooda, waa ineeysan ogolaan, in hoowlahooda, mas’uuliyadahooda iyo waajibaadkoodaba laga boobo iyagoo sootaagan, ama laga fara-baroojiyo. Liidanaan iyo daciifnimo ka xumi majirto, in xaqaagii laqaato, adigoo waliba awooda inaad ka dhiidhiso, waana ineeysan kayeelin cidna arintaa, waloow aan ogahay, waxa arintan eey uga aamuseen, taasoo ah, ucabsashada kursigooda, iyagoo kudhiiranwaayey hogaamiyeyaasha maamulladii lagasoo doortay, oo eeysan hubin ineey siijoogi doonaan iyo in kale. Mahadsanidiin.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid