CC oo sheegay in isaga iyo Keating ay ka siman yihiin fikir ku aadan siyaasada DF

Nairobi (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah siyaasi si weyn u mucaaradsan Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku maamusho dalka ayaa tilmaamay inuu firkiisa la mid yahay midka uu Michael Keating oo ka sii dhamaanayo mudo xileedka Xafiiska Qaramada Midoobe ka aaminsan yahay siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaaldihii ugu dnabeeyay ee dalka iyo waxyaabihii ka soo baxay Kulan Keating uu Kismaayo kula soo qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada intii ay sooctay SHirkii golaha iskaahsiga ee la soo xiray Todobadii bishan.

Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu sidoo kale ku sheegay in Wakiilkii Qaramada Midoobe ee Somaliya Michael Keating ay isla soo qaadeen shaqada laga filan karo Ninka cusub ee loo soo magacaabay Somaliya Nicholas Haysom oo ah Koofur Afrikaan cadaan ah.

Hadda halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com