Cosoble oo shaaciyey inuu socdo qorshe ay DF uga tanaasulayso kiiska badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday xog la xariirta muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Cosoble ayaa sheegay inay maqlayeen warbixino ku aadan in Madaxda dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya ay doonayaan inay ka laabtaan dacwadda haatan hortaalla Maxkamadda cadaaladd adduunka ee ICJ.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in dowlado iyo safaarado ku yaalla Muqdisho ay cadaadis ku saarayaan dowladdu inay ka tanaasusho kiiskaasi, islamaarka lagu dhammeeyo meel banaanka ah maxkamadda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in arrintan lagaga gol leeyahay in lagu burburiyo maamul goboleedyada dalka, taas oo uu ka digay.

“Todobaadydii ugu dambeeyay waxaan maqalnay oo meelaha qaar lagu soo qoray in dowladdo iyo safaarado ay riixayaan in maxkamada banaankeeda lagu dhameeyo dowladana ay dooneyso arrintaasi si maamul goboleedyada loogu riixo,mana ogolaaneyno mana fiicno in maamul goboleedyada loo bubur buriyo in uu ku bedesho qadiyad ay soomaali oo dhan leedahay ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan dowladda Soomaaliya ay beenisay in wax gor gorton ah ay ka geli doonto arrinta Badda.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda XFS ayaa sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin wax kulan ah oo u qorsheysan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) inuu la yeesho dhiggiisa Kenya iyo Uhuru Kenyatta.

Dacwadda hortaalla ICJ ayaa la filayaa in dib loo furo bisha September ee sanadkan 2019-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com