Ciidamo diiwaan galintoodo ka socotay Cadaado oo la joojiyay kadib khilaaf culus

Cadaado (Caasimadda Online) – Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa maanta Cadaado ka bilaabay diiwangelinta ciidamada la qarameynayo ee ku sugan deegaanada Maamulka Galmudug. hase yeeshee islamaanta ayaa la joojiyay diiwaangelinta ciidanka.

Sargaal katirsan ciidamada Dowlada ayaa sheegay in sababaha la joojiyay diiwaangelinta ciidanka ay salka ku heyso muran ka dhashay tirada ciidamada la qorayo ee ku sugan Degmado Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha kasocday dowlada dhexe ayaa sheegay in 200 oo askari ay ka diiwaan galinayaan Degmada  Cadaado balse saraakiisha deegaanka ayaa sheegay inay hayaan askar intaas ka badan loona baahan yahay in dhamaan la diiwaangalsho.

Wararka ayaa intaas ku daray in Isfahan waaga soo kala dhex galay Saraakiisha ka socota dowlada dhexe iyo Madaxda ciidamo ku sugnaa Cadaado ay salka ku heyso tirada ciidamada la diiwaangelinayo ayaa ugu dambeyn keenay in la joojiyo ciidamadii laga diiwaangelinayay degmad Cadaado.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin tiro aysan ku qanacsaneyn in laga diiwaangalsho Cadaado waxayna sheegeen in dowlada Soomaaliya looga fadhiyo in magaalooyinka Galmudug ciidamo isla eg laga diiwaangalsho.

Taliyayaasha Ciidanka Xoogga dalka eek u sugan deegaanada Galmudug ayaa wada qorshe ay ku qarameynayaan Ciidanka Meleeshiyaad ah ee hubka heysta ee ku sugan deegaanada Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya .

Saraakiisha Ciidanka diiwaan galinaysa ayaa horay Diiwaan galin uga bilaabay Dhuusamareeb, Balanbal, Xeraale,Huurshe iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com