Cosoble oo xildhibaano u kaashanaya arrin uu uga cabsi qabo DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa wada qorsho la sheegay in looga hortagaayo dib u dhac ku imaada doorashada Somalia ee 2021.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo dhawaan sheegay in madaxda dowlada Somalia ay wadaan dadaal lagu doonayo wakhti kororsi, ayaa wada baadi-goobka Xildhibaano kala shaqeeya in dowlada Somalia ay wakhtigeeda qabato doorashada.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble, ayaa Xildhibaanada ku guubaabinaaya inay u dhaga taagan qorshooyinka ay dowlada Somalia ku dooneyso muddo kororsi waxa uuna ku baaqayaa in xili hore laga gaashanto.

Illo ku dhow dhow Xildhibaanka ayaa sheegay in Cosoble uu wado sameynta Koox Xildhibaano ah oo ka hortaga in laga dib dhaco xiliga doorashada, waxa uuna ololahoodu yahay in doorashada la qabto xiligeeda.

Xildhibaano hordhac ah oo arrintaasi uu kala hadlay ayaa soo dhaweeyay kuwaa oo iyaguna dhankooda ka sheegay inay xaaran tahay in madaxda dowlada ay ka baxaan balanta xiliga doorashada.

Sidoo kale, Xildhibaanada mucaaradka ayaa iyaguna qaba tuhunka ku aadan in dowlada Somalia aysan u diyaarsaneyn qabashada doorasho nin iyo codkii.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda dowlada ayaa dhowr jeer ku celcelshay in doorashada Somalia ay qabsoomi doonto xiliga loogu tallo galay isla markaana ay noqon doonto nin iyo codkii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com