Madaxweyne MUSTAF oo iska fogeeyay qorshe lagu sii dayn laha CABDI ILEY

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumad Cumar (Mustaf Cagjar), ayaa sheegay in maamulkiisa uusan gacan ka geysan doonin arrimaha la xiriira xariga mas’uuliyiinta maamulkii hore.

Mustaf Cagjar, waxa uu sheegay in go’aanka xariga iyo deysmada Cabdi Cumar iyo xubnaha kale uu yahay mid khuseysa dowlada Ethiopia.

Mustaf Cagjar, waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uusan ogeyn halka lagu xiray Cabdi Cumar iyo xubnahaasi sidoo kale uusan waxba ka khuseyn  arrinta mas’uuliyiintaasi.

“Arrinta madaxweynihii hore iyo xubnaha la xiran waa mid khuseysa dowlada Ethiopia anagu waxba nagama khuseeya waayo halkii lagu xiray Cabdi Cumar anagu ma aanan ogeyn”

“Dowlada Ethiopia ayaa leh go’aan ka gaarista xariga iyo deysmada mas’uuliyiintaasi waxaanu shaqo ku leenahay inaanu u hagar baxno shacabka aan madaxda u nahay wax kale nama khuseeyo”

Sidoo kale, Mustaf Cagjar, ayaa sheegay in kiiska maxbuusiinta uu yahay mid aysan daba kicin, waxa uuna sabab ka dhigay ineysan hayn xaqiiq muujin karta inaanu waxba ka jirin danbiyada lagu hayo shaqsiyaadkas”

Haddalka Mustaf Cagjar, ayaa u muuqda mid uu maamulka uga bari yeelayo kiiska xariga Cabdi Cumar iyo xubnaha kale ee u xiran dowlada Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com