SHARIIF XASAN oo culeys xooggan kala kulmaya DF ka hor doorashada K/G

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa walaac gaara ka muujiyay faragalin uu sheegay inay ku heyso dowlada Somalia.

Shariif Xasan oo kulan la qaatay qaar kamid ah waxgaradka maamulka ayaa sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay faragalin toosa ku heyso doorashada maamulka waxa uuna carab dhabay inay garab boodeyso musharaxiin dhowr ah.

Shariif Xasan waxa uu waxgaradka u sheegay in mowqifka maamulkiisa uu yahay in laga hortago faragalinta dowlada, waxa uuna cadeeyay in ka maamul ahaan aysan ka raali noqon doonin in doorashada maamulka ay farabadato.

Dowlada Somalia oo ka duuleysa cabashada musharaxiinta qaar ayaa Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uga digtay in ololaha iyo dhaqdhaqaaqa doorasho uu isku koobo.

Dowladu waxa ay Shariif Xasan uga digtay hal arrin oo ku aadan inuu cuuryaamiyo ololaha musharaxiinta kula tartameysa doorashada.

Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa koobay ololaha musharaxiinta la tartameysa waxa uuna si ku talo gala u mamnuucay in munaasabado ololo doorasho lagu dhigto gudaha magaalada.

Dhinaca kale, musharaxiinta qaarkood ayaa iminka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho sababo la xiriira amni darro kaga imaada dhanka maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com