Dowladaaney safaaradaha Soomaaliya wax ka qabo

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi aqristoow, danjireyaasha/safiirada Soomaaliya dunida ukala fadhiya, waxeey matalaan dalkeena iyo dadkeena Soomaaliyeed. Waxaa waajibkoodu yahay, ineey danaha dalkeena Soomaaliyeed waxkasta kahormariyaan. Waxaa muhiim ah in lawada ogaado, in Safiirkastee Soomaaliyeed, uu dalkeena Soomaaliya ku matalikaro dalkale mudo 4-sano ah oo kaliya. Hadiise looga maarmiwaayo, waxaa loogu kordhinkaraa mudo 4-sanoo dheeri ah, taasoo ugu badnaan mudada uu Safiir Soomaaliyeed, hal dal kumatalikaro Soomaaliya kadhigeeysa 8-sano. Sidaa waa sida sharciga dalka uyaalla ah.Waana dhaqan caalamka oo dhami kuwada dhaqmo.

SAFIIRADEE AYAA 8-SANO KABADAN HAL DAL WALI ISKASII FADHIYA?

Waa xaqiiq in Soomaaliya marka qof safiir loomagacaabayo iyo inuu siijoogaba, loofiiriyo waxyaabo badan. Ha ahaato saaxiibtinimo, isku kooxnimo, qaraabonimo,  xigto & xigaalonimo, iyo “Mararka qaarna” isku dheelitirka nidaamka qabyaaladeed ee lamagacbaxay: Afar iyo bar (4.5). Waxaan garanayaa nin safiirnimo lagu abaalmariyey, maadaama uu darawal khaas ah u ahaa, mid kamid ah Janannadii ugu awooda badnaa ee dalkeena soomara!

Waxaa sidoo kale jira safiiro mudo aad udheeroo 8-sano kabadan, hal dal iska fadhiya. Qaarbaa hal dal Soomaliya uga ah danjire, lagasoo bilaabo xiligii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, oo xukunka dalka lawareeyagy 21-kii bishii Oktoobar 1969-kii illaa iyo maantadan lataagan yahay! Waa mudo laga joogo 49-sano! Hadii xitaa eey xilkaa qabteen 1991-dii, waxeey noqoneeysaa mudo laga joogo 27-sano! Waloow eey aad ubadan yihiin, hadana tusaale ahaan waxaa ka mid ah: Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kuweeyt: Danjire

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kuweeyt Danjire C/qaadir Amiin Sheekh

C/qaadir Amiin Sheekh, iyo danjiraha Soomaaliya ufadhiya dalka Suuriya/Syria: Danjire Maxamuud Muuse taareey.Waxaa usiidheer in Safaarada Suuriya tahay, Safaarada kaliya ee labo wadadhalatay “Kala dumaashay!”, iyadoo labadali kariwaayey, dagaalada Suuriya inta eeysan bilaaban kahor.

Waxaa sidoo kale jira qaar safiiro hal dal inooga ah, lagasoo billaabo xilligii madaxweyne C/llahi Yuusuf Axmed, oo madaxweynaha dalka noqday 14-kii bishii Oktoobar 2004-tii, oo ah mudo laga joogo 14-sano. Waloow eey iyagana badanyihiin, hadana tusaale ahaan waxaa ka mid ah: Safiirada Soomaaliya ee dalka India: Marwo Ebyan Maxamed Saalax (Ladane), iyo qaarkaloo badanoo safiiro hal dal inooga ah lagasoo billaabo xilligii madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo madaxweynaha dalka noqday 31-kii bishii Janaayo 2009-kii, oo ah mudo laga joofo 9-sano. Dabcan liiska danjirayaashaa oo dhameystiran, waxaa laga helayaa wasaarada arimaha dibada Soomaaliya.Wax kaqabasho degdeg ah, ayey arintani uga baahan tahay xukuumada maanta jirta.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Syria Maxamuud Muuse taareey

Dhanka kale; sababaha danjireyaashaa ujoogaan dalalkaa shisheeye mudadaa dheer, weey kala duwan tahay. Qaar iyagaa markastoo madax cusub ladoorto, iskala hadla, iyagoo cidkastoo eey arintaa ula kaashankaraana usiikaxeeysta, kadibna waxeey kudadaalaan, ineeysan warbaahinta kasoo dhexmuuqan, si eeysan unoqon kuwo indhuhu qabtaanoo lasoo xasuusto.Tusaale ahaan waxeey kafogaadaan qabashadaha dabaaldagyada heerka qaran, sida: Koowda Luulyo. Waxeey ka cararaan ka qeybgalka xafladaha Soomalida, gaar ahaan kuwa ardeyda ee lagu sawiri karo…. IWM.

Safiirka Soomaaliya ee dalka India Ebyan Maxamed Saalax Ladane

Waxaan garanayaa safiir mudo dheer dal shisheeye danjire inooga ahaa, oo dhowr jeer safiiro cusuboo lagu badali lahaa, markeey utageen hoteellada eey dageen usoo dhaafiwaayeen, oo dowladii dalkii uu inoomatalayey inta kudiray, iyagoo baxsad ah, isagasoo cararay. Ugu dambeyn si aan mardambaba cid lagubadaloba loogusoo dirin, ayaa wuxuu go’aansaday inuu wasaarada arimaha dibada Soomaaliya kanoqdo, xog-hayaha joogtada ah, si uu xilkiisa safiirnimo halkaa uga waardiyeeysto, xilkoo rasmi ahoo mushaar rasmi ah uu dowlada uga qaatana kudarsado kiisii safiirnimo, kadib markii uu ugasoo tagay siikala hagida safaarada kuxigeenkiisii. Safaaradii uu safiirka inooga ahaana, wuxuu tagijiray ookaliya, xiliyada uu fasaxa qaato. Bal isweeydii sida arintaa kudhicikarto?

Waxaase jira kuwo la isku dayey in labadalo, balse dowladihii kumeel-gaarka ahaa, iyo xitaa qaar ka mid ah dowladihii ina soomaray markii kumeel-gaarnimada lagabaxay, badali kariwaayeen. Danjire Maxamed Axmed Nuur (Tarsan), oo hore u ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahaana duqa magaalada Muqdisho, dhawaanahanna ahaa lataliye saree xafiiska Madaxweynaha ee dhinaca arrimaha siyaasadda, ayaa mar uu jaaliyada Puntland ee Minnesota lakulmayey, wuxuu afka kudhuftey, danjireyaasha Soomaaliya ukalafadhiya dalalka Kuweyd iyo Sucuudiga, inkastoo kan Sucuudiga goor dambe lagu badalay danjire: Daahir Maxamuud Geelle, oo hada ah wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya. Danjire Tarzan wuxuu khudbadaa kusheegay, in dalalkaa carbeed ee safiiradaa Soomaliya umatalayeen, eey diideenba in labadalo! Iyagoo ku andacoonaya, ineey iyaga bixiyaan waxkastoo kharashaad ah, oo kubaxa safaaradahaa iyo shaqaalaheedaba, sidaa daraadeedna aan labadali karin, hadii labadalayana, looga baahan yahay dowlada Soomaalida ineey labaxdo, waxkastoo kharashaad ah, oo kubaxaya Safaarada iyo shaqaalaheeda intaba.Wuxuu danjire Tarzan siiraaciyey in safiiradaa, iyo kuwa la midka ahba, eeysan Soomaaliya meesha ujoogine, dalalkaa qarashaadkooda labaxa uyihiin jawaasiis mushaar qaata, dadka eey matalaana kaganacsada, dukumiintiyada dowladana suuqa-madoow kuqata. Wuxuu sidoo kale afka ku dhuftay, in la iskaga magacaabijiray danjirayaal wadamo aan safaarad, guri-safaaradeed, ama gaari toona laheyn, sida dalka Senegal ookale, oo sida uu sheegay, la isaga magacaabay “Nin saaxiibkiis ah”. Safiirkaa ma aheyn mid hal maalinna dalkaa loomagacaabay ee Senagal kashaqeeyey inkastoo ciwaankaa (title-kaa) uu qaatay kufaano meelkasta. Safiirkaa Soomaaliya umagacoowdey dalka Senegal, xiligii MD Sh.Shariif wuxuu ahaa: Maxamed Xuseen Awliyo.

Fadlan Video-ga khudbadiisa halkan kadaawo, laga bilaabo daqiiqada 22:58 illaa daqiiqada 24:03. Daqiiqadahaa ayuu arimahaa oo dhan uga wada hadlayaa. Mahadsanidiin.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.