Beledweyne (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa ka qeyb galay kulan dhaxmaray Xubnaha Maamulka iyo Ganacsatda Baladweyne iyadoo laga hadlay dhibaatada Ganacsiga ka jirta.
Qaar ka mid ah Ganacsatada magaalada Baledweyne ayaa kulanka ay la qaateen Madaxda Hirshabeelle waxay ku soo bandhigeen lacagtii jahwareerka ka abuurtay suuqyada magaalada Baladweyne iyagoona ka digay in ay Dalka oo dhan saameyso Guud ahaan Suuqyada Soomaaliya.
Kulan ka dhacay Magaalada Baledweyne oo ay ka qeyb galeen Madax ka tirsan maamulka Hirshabeelle sida Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Wasiiro ayay kusoo bandhigeen lacagahaasi oo ay sheegeen in ay kala kulmeen dhibaato xooggan.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo ka hadlay kulanka, ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay ka doonayaan magdhaw, maadaama lacagta faalsada ah ay ka timid deganada Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa sheegay in la dhacay dadka ganacstada ah ee ku nool Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Hadalkaan ayaa Madaxweyne Cosoble, wuxuu ka sheegay Magaalada Baledweyne, kadib markii uu kulan la qaatay ganacsatada Magaalada Baledweyne ee la siiyay lacago Shilin Somali faalso ah, kadibna laga qaatay lacago doolar ah.
Cosoble, ayaa tilmaamay Maamulka Puntland inay ka doonayaan magdhaw ku aadan lacagaha faalsada ah ee deeganada Hirshabelle soo galiyeen, maadaama Puntland ay ka yimaadeen lacagahaasi.
“Waxaan halkaan ku aragnaa waxaa waaye umad dhacan, umad hantidooda nool laga qaatay looguna bedalay waraaqo lasoo sameeyay, xaqiiqda waxay tahay ganacsiga ugu badan dadkaan waxay la leeyihiin dowlad goboleedka Puntland, waxay dadkaan ka marqaati ka cayaan in lacago been abuur ah lagu daabacayey Puntland in wax looga iibsan jiray dowlad goboleedka Hirshabelle ka hor, laakiin nasiib darro lacagihii sidaasi ahaa oo maalin walbo hantidooda ku bedalanyey la yiraahdo raali ahaada cid qaadaneysa malahan.” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

