Jowhar (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ka dhacay doorashada Aqalka Hoose ee BFS.
Doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Warsangeli Abgaal oo aheyd mid adag ayaa waxaa ku loolamayay C/qaadir Cosoble Cali iyo Muxiyadiin Xasan Jurus.
C/qaadir Cosoble Cali ayaa cod aad u farabadan uga guuleystay Musharaxii la loolamaayay waxa uuna helay 34 cod, halka Musharaxii la tartamayay Muxiyadiin Xasan Jurus uu helay 17 cod.
C/qaadir Cosoble Cali oo hadda kusoo baxay doorashada ayaa waxa uu si aad ah kaga soo horjeeda Dowlada uu Hogaaminaayo Xassan Sheekh, halka Muxiyadiin Xasan Jurus uu taageero ka helayay Madaxtooyada.
Muxiyadiin Xasan Jurus ayaa waxaa lacagaha ugu badan ka bixiyay Madaxweynaha Somalia oo isaga watay, balse nasiib darro Muxiyadiin ma uusan ku guuleysan doorashada.
Dhinaca kale, waxaa maalinta beri ah lagu wadaa in loolan uu dhexmaro xubnaha kale ee harsan.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

