C/qaasim oo ka hadlay howlaha horyaal madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia C/qaasim Salaad Xasan, ayaa ka hadalay Doorashadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee uu kusoo baxay Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

C/qaasim ayaa sheegay in Farmaajo kaligii uusan waxbaqabankarin isla markaana loo baahan yahya inay la shaqeeyan ragga uu xilalka usoo magacaabi doono.

C/qaasim waxa uu sheegay in waxqabadka dalka lagula xisaabtami doono ragga loo soo magacaabo Xukuumada maadaama Farmaajo uu yahay Madaxweyne howsha uu qaban doonana ay tahay mid cayiman.

C/qaasim Salaad Xasan ayaa Madaxweynaha cusub ugu baaqay in uu soo doorto Ra’isul wasaare dadku ay la dhacaan oo lagu qanco.

Wuxuu Farmaajo xusuusiyay in isbedelka dalka uu isaga ka bilowday, isla markaana looga baahan yahay inuu ka dhabeeyo baahida iyo rabitaanka ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, C/qaasim ayaa Xildhibaanada, Shacabka iyo Xukuumada cusub ugu baaqay in dalka ay u bidhaamiyaan waa cusub, si buu yiri meesha looga saaro faragalinta la sheegayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com