Dagaalkii 1977: Duulaankii Dirirdhabe iyo doorkii General Galaal

Dagaalkii 77 ee Soomaalidu u taqaanno Dagaalkii Soomaali Galbeed, balse reer galbeedka iyo Itoobiya u yaqaannaan Dagaalkii Ogaadeenya (Ogaden War), wuxuu ka mid yahay dagaalladii ugu cakirnaa ee Qaaradda Afrika ka dhacay xilligii Dagaalkii Qaboobaa (Cold War). Ciidan Soomaaliyeed oo illaa dikreetadii soo baxday bishii April 1960-kii lagu canqarinayey Soomaalinnimo, laguna soo barbaariyey in bartilmaameedkiisu uu yahay xoreynta dhulka Soomaaliweyn (min Tajorra illaa Tana River) ayaa saxaraha dhulka Soomaali Galbeed uga gudbay maalmo gudahood xagaagii sannadkii 1977-kii. Haddii la damco in dagaalkaas wax laga qoro, waxay qaadanaysaa boqolaal buug in lagaga hadlo. Hase ahaatee, waxaan maanta halkan ku soo bandhigaynaa hal qeyb (one facet) oo ku saabsan dagaalkaas, taas oo ah qeybtii ku saabsanayd duulaankii magaalada qiimaha badan ee Dirirdhabe. Labada qaybood ee iyaguna muhiimka ah ee aan mar kale isku dayi doono inaan ka hadalno waa qabashadii Jigjiga iyo tii kale ee Godeey. Dhammaan furrimahaas waa furimihii dhiigga badan uu ku daatay ee ciidanka Soomaaliyeed uu sida la yaabka leh guulaha la yaabka leh uga soo hooyey.

Meelihii uu fara-saarka ugu adag uu ka dhacay waxay ahayd furinta Dirirdhabe. Iyadoo billowgii hore la qarinayey in ciidanka Soomaalidu ay dagaalka si rasmi ah ugu jiraan ayaa taliska militariga ee Maxamed Siyaad Barre uu go’aansaday inuu si rasmi ah weerar u qaado. Raadiyo Muqdisho ayaa laga sii daayey heestii waddaniga ahayd ee caanka ahayd: ‘Soomaalida galbeedey, maalintaad sugeyseen saakey waa la joogaa, tartanka iyo dagaalkuna sunno ma ahane waa Faral’. Maalinta taariikhiga ah ee 14-kii Agoosto 1977-kii ayaa General Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii ugu aqoonta iyo kartida badneyd Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si wanaagsanna Ruushku wax u soo baray, wuxuu isagoo madax u ah Qeybtii 26-aad, isla markaana si gaar ah u hoggaaminaya Gaaskii loo yiqiinnay Gaba-Gabeeye ku dhaqaaqay inuu gacanta ku qabto jiidda bari ee gobolkii Itoobiya u tiqiinnay Hararge, qaasatan dhulka Shinniile, Dirirdhabe iyo Harar. General Galaal wuxuu gashaday koofi caadi ah, wuxuuna iska dhigay wax kasta oo muujinaya garaadihiisa, isaga ayaana ciidanka u hormaray. Ujeedkiisu wuxuu ahaa inuu ku dhiirri-geliyo ciidammada inay naftii-hurnimo muujiyaan marka la is farasaaro.

Goor fiidkii hore ah ayuu Gaaska Gaba-Gabeeye ka dhaqaaqay xuduudka dhinaca Waqooyi Galbeed. Intii ay jidka ku sii socdeen waxaa soo sahmiyey diyaaradaha Itoobiya. General Galaal oo hor-socda ciidankiisii wuxuu amar ku bixiyey inaan la istaagin wax kasta oo dhaca. Xeeladaha dagaalka (war strategy) waxaa ka mid ah in duulaanka iyo weerarka hore ay la socdaan oo la saanqaadaan hamadda askarta (spirit) iyo degdegta (speed); labadaas oo la isku daray waxay keenaan guulo lama filaan ah dhanka xeeladaha istaraatiiji ee militariga. General Galaal wuxuu diiddanaa in Itoobiyaanku ay xoog ugu qasbaan inuu qorshihiisa dagaal wax ka beddelo. Diyaaradaha dagaalka Itoobiya ma gaarsiinin wax qasaare ah oo ka badan inay burburiyeen dhowr gaari. General Galaal wuxuu taarka wareega kala hadlay Taliska Dhexe ee Muqdisho, isagoo warsaday in la soo kiciyo diyaaradaha dagaalka Soomaalida, si ay hawada ugula diriraan kuwa Itoobiya (aircraft dog fight). Diyaarado badan lama soo kicin, wixii la soo kiciyeyna waxaa hawada sare uga adkaaday diyaaradihii Itoobiya oo ay duulinayeen duuliyeyaal ka aqoon iyo khibrad badan kuwa Soomaalida.

General Galaal, oo gacanta ku sita khariirad (map) ay dagaalkii labaad sameeyeen saraakiishii gumeysigii Talyaaniga, wuxuu go’aansaday inuu qaldo diyaaradaha dagaalka Itoobiya oo uu Gaaska Gaba-Gabeeye iyo gaadiidkiisaba kala dambeysiiyo, oo ay laba laba iyo saddex saddex isu raacaan, si ay u marin-habaabaan Itoobiyaanka. Wuxuu ciidankiisa ku hakiyey oo uu raashin ka siiyey, kuna biyo cabbeen meel tuulo ah oo uu gumeysigii Talyaanigu ka dhigtay fariisin intii uu ku jiray duullaankii uu ku qabsaday Itoobiya sannadkii 1935-kii. Halkaas ayuu khudbad ugu akhriyey ciidankii, wuxuuna ku adkeeyey in waajibkoodu yahay inay qeyb ka noqdeen rabitaanka ummadda Soomaaliyeed ay ku doonayso inay ku wada xorowdo, kuna wada midowdo, ayna u diyaar goroobaan geeri iyo nolol. Ciidanku wuxuu kor u taagay qoryihiisii, wuxuuna ku qayliyey ‘diyaar’.

Gaaska Gaba-Gabeeye wuxuu sii watay socodkiisii isagoo roob ku da’ayo. Ciidanku wuxuu jidka ku sii dhegeysanayaa heesihii qiirada badnaa ee abwaannada Soomaaliyeed oo is-xilqaamay ay Raadiyo Muqdisho ka sii deynayeen. Raadiyuhu si toos ah ayuu dagaalka ugu jiraa. Markaas wuxuu sii deynayaa heestii qiimaha badneyd ‘lagana maadan maayee, masaar loo afeystiyo, madlaa lagu dilayaa, mindidii uu la sare kacay maantey u halis tahay, ceesaantii mas iyo good, madax shabeel leeftaa, malageedi baa galay’. Wixii ka sii nool Gaaskii Gaba-Gabeeye ee aan xog-wareysiga kula soo yeeshay Soomaaliya, waxay xusuusan yihiin heestaan inay waddada ku sii dhaafeen: ‘Talisyahow sabeynaya, waan kaa gacan-sarreynaa, Hashaa summada lagu dhigay, magacuna Sa’ iyo Ma’, laabtana kaga taal, Ya’da loogu sahantagay, Da’da lagu salgoyn jiray’ (talisku waa kan keligii taliye Mengistu Haile Mariam).

Gaaska Gaba-Gabeeye waxaa u suura-gashay inuu si sahlan cagta ugu dhufto ciidammo Itoobiyaan ah oo fadhiyey inta u dhexeysa Dirirdhabe iyo Jeldesa. Goor galab gaabkii ah, waxay ciidankii soo istaageen duleedka Dirirdhabe. Ummaddii Soomaaliyeed ee ku nooleyd magaalada oo u badan beesha Ciise waxay si garab iyo gaashaan leh isu barbartaageen ciidammada walaalahood ah ee Soomaaliyeed, iyagoo fadhigooda ugu geeyey raashin, biyo iyo xoolo nool oo ay qashaan. Si loo dhiirri-geliyo ciidammada, looguna muujiyo inay yimaaddeen dalkoodii, waxay cuqaashii beesha Ciise soo kexeeyeen qaar ka mid ah dumarkii iyo carruurtii. Waxaa xusid mudan in ummadda Soomaaliyeed ay waagaas ku taxnayd heesihii qiirada badnaa ee laga sii deynayey Raadiyo Muqdisho. Raadiyaha oo sii wada guubaabadiisii, waxaa saaran oo ka socda ‘geesiyaal horey u wada, kani galbay, ku kale mooyee’ iyo ‘wallee waddani dhaartay baan kaa weecan, wallee ummad wisisiday baan kaa waaban, wallee agoon weyraxdaan waxba kaa reebin, raggaad waalidkood iyo walaalkoodba leysaa, weyraxaaya ma ogtahay, dhaaxeey walaac iyo walbahaar la tooseen oo dumarku weer siday.

General Galaal, markii uu qiimeeyey awoodda ciidanka Itoobiya ee ka soo horjeeda iyo muhiimadda ay keligii-taliye Mengistu u leedahay magaalada Dirirdhabe oo ku taalla mandiqad muhiim ah oo aad istaraateeji u ah, saldhigna u ah tareenka isku xira Djibouti iyo Addis Ababa, wuxuu go’aan ku gaaray inuu duqeeyo meelaha halbowlaha u ah ciidanka Itoobiyaanka ee magaalada haysta. Ciidanka Soomaalidu waxay ku durkeen buuraha magaalada ku hareereysan, halkaas oo ay isla markiiba duqeyn ku billaabeen kuna gubeen keydkii shiidaalka u weynaa ee ciidanka Itoobiya. Waxay kaloo duqeeyeen xerooyinkii ciidammada Itoobiyaanku ay deggenaayeen, iyagoo duqeyntooda ka ilaaliyey inay dadka shacabka ah wax ku gaaraan. Wixii Itoobiyaan ah (oo Amxaaro u badnaa) ee magaalada deggenaa oo ay hor-socdaan ciidankoodii si amakaag leh ayay magaalada uga carareen. General Galaal wuxuu la daahay inuu ciidanka geliyo magaalada. Halkuu sidaas ka yeeli lahaa, wuxuu hubiyey inuu ciidanka dhigo hareeraha magaalada. Wuxuu is lahaa ‘armaa holaca shiidaalka gubanaya uu waxyeelleeyaa ciidanka’. Qaladka kale oo uu galay wuxuu ahaa inuusan magaalada si dhaqso leh ugu dhisin wax maamul ah oo la wareega xukunkeeda, isagoo haystay siddeed habeen. Waxay ahayd inuu xukun militari ku soo rogo magaalada.

Si kasta ha ahaatee, General Galaal markii uu magaalada gacanta ku qabtay militari ahaan, wuxuu taarka kala hadlay Taliska Dhexe ee Milatariga, isagoo la socodsiiyey in Dirirdhabe ay gashay gacanta Soomaalida, uuna ku dhaqaaqayo magaalada Harar oo ah Quddustii Qaaradda Afrika iyo meeshii uu yiillay kaydkii culuunta Islaamka ee Bariga iyo Bartamaha Afrika. Halkii uu ku farxi lahaa guusha timid, wuxuu Maxamed Siyaad Barre amar ku bixiyey in General Galaal uu soo galo Muqdisho oo uu isaga kala taliyo arrimaha dagaalka. Maxay ahayd cabsida Maxamed Siyaad Barre? Laba mid ayay salka ku haysay. Koow, wuxuu is lahaa ninka Soomaaliga ah ee libinta ku heli doona dagaalka 77 adiga ma ahane waa Galaal ee ka hor-tag in taariikhda Soomaalidu ay xusto guusha Galaal ee ay adiga ku xusi weydo. Labo, wuxuu is lahaa haddii uu Galaal qabsado Harar waxaa qormi doonta taariikh cusub ee gobolka Geeska Afrika, waayo wuxuu Galaal qarka u saarnaa inuu nasaqo taariikhdii foosha xumeyd ee Ras Makonnen uu ku qabsaday Harar sannadkii 1887-kii. Beddelaadda Galaal waxay qalbi-jebisay Gaaskii Gaba-Gabeeye.

Lix maalmood kaddib markii General Galaal lagu celiyey Muqdisho ayaa la soo jebiyey ciidammadii fadhiyey Dirirdhabe. Gaaska Gaba-Gabeeye wuxuu waayey taakuleyntii uu uga baahnaa hoggaankiisii saadka oo fadhiyey Hargeysa oo uu madax u ahaa Colonel Maxamed Sheekh Cusmaan ‘Cirro’ oo ahaa ninkii mar dambe isku dayey inuu inqilaabo Maxamed Siyaad Barre. Guushii markii hore laga gaaray furinta Dirirdhabe waxaa kaloo waxyeelleeyey diyaaradaha dagaalka Itoobiya oo burburiyey in badan oo ka mid ah taangiyadii ciidanka. Sida ay saraakiishii hore ee ciidammadu u wada ogyihiin, Dirirdhabe ma ahan magaalo ay si wanaagsan uga dagaallami karaan taangiyo, taas oo ay ugu wacan buuraha ku hareereysan awgeed. Ciidankii markii uu u adkeysan waayey sida joogtada ah ee diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay u burburinayaan qalabkoodii, waxay noqotay in nin walba uu lafihiisa u baxsado, iyadoo laga soo dhaqaaqay intii badnayd qalabkii militariga.

Si kasta oo ay tahay, Dagaalka 77 waa dagaal ku qornaan doona maskaxda iyo maanka dadka Soomaaliyeed. Ciidanka Soomaalidu wuxuu caddeeyey in haddii ay helaan hoggaan ku hoggaamiya aqoon, daacadnimo iyo karti ay guul ka keeni karaan furin kasta oo laga howlgeliyo. Markuu ka yaabay kartida iyo kasmada ciidanka Soomaalida, qaasatan gaaskii ka diriray Dirirdhabe ee uu hoggaaminayey General Galaal ayaa jeneraalkii Itoobiyaanka ee hoggaaminayey furinta Dirirdhabe wuxuu hadal yar oo gaaban (memo) u diray Mengistu, isagoo ku yiri ‘haddii aan isku heli lahaa ciidanka taangiyada Soomaalida iyo diyaaradaha Itoobiya waxaan maalmo gudahood ku qabsan lahaa Qaaradda Afrika’.

Waxaa xusid mudan in marka uu dhacayo Dagaalka 77 in ciidammada Soomaalidu ay ahaayeen ciidan uu u hagar-baxay Ruushku, kana dhigay mid ka mid ah ciidanka ugu tababarka iyo qalabka wanaagsan Qaaradda Afrika, ulajeedda Ruushkuna waxay ahayd inuu ku qabsado wadammada Afrika ee taabacsanaa danaha reer galbeedka. Xaqiiqatan, ciidanka Soomaalidu wuxuu ahaa ciidan loo dhammeystiray qalabkii ciidan uu u baahnaa si uu u qaado duullaan ballaaran. Waxaan oran karnaa ma jirin wax uu Ruushku ka hagraday ciidanka Soomaalida, waana abaal aan u hayno oo aanan weligeen hilmaami doonin. Waxaa mudan in la bogaadiyo in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov markuu beri dhoweyd u yeeray oo uu New York kula shiray Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka socda dowladda Soomaaliya ee Xamar fadhisa inuu ku yiri ‘waxaan annaga iyo adinku [Soomaalida] leennahay taariikh dheer oo saaxiibtinnimo’.

(Xogta qoraalkan waxaan ka soo ururiyey wareysiyo xiriir ah oo aan la yeeshay General Galaal iyo askartii Gaaska Gaba-Gabeeye oo uu ugu horreeyo Xuseen Xaaji oo aysan maskaxdiisa ka go’in wixii ka dhacay Dirirdhabe. Xuseen wuxuu maanta darawal u yahay dowladda Soomaaliya, iyadoo raggii uu ka khibrad iyo waaya-aragnimo badnaa ay jeneraallo ka yihiin isla dowladda uu darawalka u yahay. Caqli-xumada Xamar ka jirta aawadeed, caddaalad-darradii ay shalay Soomaaliya ku duntay ayaa maanta la isku dayayaa in dib loogu dhiso dowladnimadeeda. Bal aan ka war dhowrno!).

W/Q: Mohamed Haji Ingiriis: Mohamed Haji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford, isagoo ku taqasusaya mawduuca dowladnimada iyo qaran burburay dib u dhiskiisa. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: ingiriis@yahoo.com