Sawiro cajiib ah: Madaxweyne Farmaajo, xalay iyo hotel Jazeera

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha cusub ee jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa la dejiyey hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu degenaan doono inta laga caleemo saaro.

Madaxweynaha ayaa waxaa ammaankiisa sugaya ciidamada kumandooska Soomaaliya ee Danab, isaga oo sheegay inuu ciidanka Soomaalida ka doorbidayo kuwa Amisom.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda kuwaasoo taageero ballaaran u sameeyay.

Xalay markii uu soo gaaray hotelka Jazeera ayaa waxaa madaxwaynaha cusub saf usoo galay dhammaan dadkii hotelka ku sugnaa, wuxuuna mid mid u gacan qaaday dadkii soo dhaweeyay, wuxuuna u sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay guulaysatey.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka ammaanka dalka ayuu la kulmay iyo gudoomiyaha Gobalka Banaadir, waxaana madaxwaynaha dalka khudbadii ugu horaysey uu u jeedin doona shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiska Muqdisho
caasimada@live.com