Madaxweynihii hore ee Puntland oo ku geeriyoodday dalka dibadiisa

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland islamarkaana ahaa jeneraal ka tirsanaa ciidankii Soomaaliya Cadde Muuse Xirsi ayaa shalay waxa uu ku geeriyooday dalka isutagga Imaaraadka halkaas oo xaalad caafimaad loogu geeyay.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu waayadan dambe xanuunsayay, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxda waamulka Puntland oo uu ugu horreeyo madaxweynaha maamulkaasi C/weli Gaas.

Cadde Muuse ayaa ayaa ka mid ahaa raggii hoggaanka Puntland soo qabtay, waxaana  uu ahaa madaxweynihii labaad ee maamulkaasi si rasmi ah loogu doorto. Waxa uu baddalay madaxweynihii aas-aasay maamulka Puntland marxuum C/laahi Yuusuf Axmed.