Cristiano Ronaldo: Aniga iyo Lionel Messi ma nihin saaxiibo.

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in xiriir xirfadeed uu kala dhexeeyo Lionel Messi oo aysan saaxiibtinimo kala dhexeyn ciyaaryahanaka heerka caalami ee dalka Argentina.

Labada xidig ayaa xafiiltan ka dhexeeyey sanadiihii u dambeeyey, iyadoo labada ciyaaryahan ay u ciyaaraan kooxo xafiiltama Real Madrid iyo Barcelona.

Laakiin, wuxuu sheegay inaysan isku dhoweyn, Ronaldo ayaana ka dhawaajiyey inuusan khilaaf ka dhexeyn labadooda wuxuuna sheegay inuu xushmad u haayo xidiga Barcelona.

“Isaga [Lionel Messi] waa ciyaaryahan weyn,” Ronaldo ayaa sidaasi u sheegay beIN sport. “Waxaa igala dhexeeya xiriir xifadeed isaga sida ciyaartoyda kale.

“Saaxiib ma nihin maxaa yeelay ma wadaagno qolka lebiska. Waan xushmeeyaa sida ciyaartoyda xirfadlaha ah oo kale. Ma nihin saaxiib dhab ah, waxaan saaxiib ku nahay oo keliya xirfadeena. Ma jiraan wax khilaafaad ah oo naga dhexeeya labadeeda
“Waa wax la abuuray hada oo keliya maahan, waxay soo jiitameysay shantii sano ee ugu dambeysay. Mana xakameyn karo.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.