Culimada Puntland oo digniino yaab leh kasoo saaray doorashada

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ka dhacay kulan ay wada qaaten Culimada maamulka Puntland kuwaasi oo dhiirigalin iyo digniino kasoo saaray doorashooyinka la filaayo in lagu qabto deegaanada maamulka.

Culimadu waxa ay ka digeen in maamulka uu doorashada kusoo daro shaqsiyaad aan u wanaagsaneyn guud ahaan dalka, waxa ayna ku baaqen in musharaxiinta ku loolameysa labada Aqal ay noqdaan kuwo u qalma oo aan boholo ku hogaamineynin dalka.

Culimadu waxa ay sheegen in dalka uu ku jiro xili uu u baahan yahay gurmad, sidaa darteed loo baahan yahay in la helo mas’uuliyiin gudankarta waajibaadka dalkooda ka saaran.

Culimadu waxa ay sidoo kale Madaxda ugu sareysa maamulka Puntland ugu baaqen in ay ka shaqeeyaan midnimada shacabka kunool deegaanada maamulka Puntland iyo sidoo kale guud ahaanba dalka Somalia.

Waxa ay sidoo kale, ku baaqen in madaxda maamulka Puntland ay soo xulaan dad karti leh oo ka shaqeyn karaa ammaanka iyo sidoo kale midnimada umada Soomaaliyeed.

Digniinadooda waxaa kamid ahaa inaan xubnaha laga soo dhex xulaayo Puntland aysan noqon kuwa taariikh mugdi ah ku hogaamiya dalka, iyagoo ku baaqay inay noqdaan kuwa ka shaqeeya xalka Somalia.

Haddalka Culimada Puntland ayaa imaanaya iyadoo inta badan maamulada dalka ay labada Aqal usoo xulayaa kuwo dhibaato u horseedi kara dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com