Xog: Wasiirkii uu Faarax Macallin ku feeray Nairobi oo waji gabax kala kulmay dowladda Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ka tirsan Saraakiisha Booliska Kenya, ayaa xaqiijinaaya in Fashil ay kusoo idlaaday baaritaanka dagaalkii dhexmaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Federaalka Somalia Maxamed Jaamac Mursal iyo Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Farax Macalim.

Saraakiisha waxa ay sheegen in baaritaan kooban kadib ay ogaaden in khaladka uu lahaa Wasiirka Boostada DFS, kadib markii uu la hormaray Aflagaado uu kula kacay Farax Macalim.

Waxa ay Saraakiishu sheegen in baaritaankooda ay u kaashadeen goobjoogayaal ka madax-banaan labada mas’uul, balse ay cadaatay in Wasiirka uu u gafay Qaranka Kenya iyo Jiritaanka Faarax Macalin, sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha Dacwada u fadhiisatay.

Saraakiishu waxa ay cadeeyen in Farax Macalim uu muddo ku dhow Seddex jeer ahbiyay Wasiir Mursal, balse uu Wasiirka kusii dhiiraday inuu ugafo Faarax Macalin.

Saraakiisha dacwada u fadhiisatay ayaa cadeeyay in Wasiirka Boostada DFS Mr Mursal uu dhankiisa ka qirtay inuu ka gudbay xeendaabka diblumaasiyada, hayeeshee ay sidaasi dacwada ku raacday Mursal.

Sidoo kale, Mursal qudhiisa ayaa ku dooday in la aflagaadeeyay isla markaana loo gafay sumcadiisa, kadib markii lagu tilmaamay inuu yahay camiil u taagan u gurmashada Ethiopia.

Geesta kale, Saraakiisha Booliiska Kenya ee qaabilsan arrimaha diblumaasiga ayaa sheegay inay aad u yartaya awooda ay u leeyihiin faragalinta diblumaasiga haddana ay isku dayeen inay kala saaran labada Mas’uul hayeeshee ay ku guuleysteen.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com