Sawiro: Xasan oo kursi jaceylka dartii u qaaday talaabo uusan waligii qaadin

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay isku uruursanayaan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Somalia, ayaa waxaa hanashada kursiga dartii uu Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud qaaday talaabo uu ugu ololeynaayo xilka.

Madaxweyne Xassan oo ku haminaaya in mar kale uu hanto xilkaasi ayaa waxa uu markii ugu horeysay noloshiisa ku dhaqaaqay sameysashada Bog Twitter u gaar ah.

Bogaani ayaa waxa uu ugu gol leeyahay inuu kula tacaamulo shacabka si uu uga helo taageero, isagoo halkaasi kusoo bandhiga baahidiisa ku aadan Kursiga.

Bogga cusub ee Madaxweynaha ka sameystay Twitter-ka ayaa la sameeyay bishii hore, waxaana cinwaankiisu yahay @HEhassansheikh.

Bogaani oo noqonaaya kii ugu horeeyay ee uu sameysto Xassan Sheekh, ayaa waxaa la socda tirro dad ah kuwaasi oo u badan keliya taageerayaashiisa.

Madaxweynuhu waxaa uu boggiisa Twitter-ka ku xoojiyay ololihiisa doorasho iyo dadaalka uu ugu jiro in mar kale ku guuleysto Kursiga Madaxtiniada Soomaaliya.

Dadka qaar ayaa aad ula yaaban Bogaani cusub ee uu sameystay Xassan Sheekh, maadaama uu yahay Madaxweyne la wada garanaayo, waxa ayna dadku yihiin kuwo is weydiinaaya baahida Xassan ku dhalisay inuu sameysto Bogaasi.
twitter-xasan