Cali Khaliif oo ku dhawaaqay hadal aysan jecleysan Axmed Siilaanyo iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka CaasimKhaatuma Cali Khaliif Galeyr ayaa ku dhawaaqay iney isaga baxayaan wadahadalada ay kula jiraan maamulka Somaliland.

Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in Somaliland ay bilowday iney faragelin ku sameyso arimaha Khaatumo, sidaasi daraadeedna ay isaga baxayaan wadahadalka ay Somaliland kula jiraan.

Wuxuu sheegay in Somaliland siyaasiyiin badan ay iskugu geysay magaalada Burco, lana doonayo iney ka shaqeeyaan arimaha Khaatumo.

“Somaliland waxaa ay kuwadaa Maamulka Khaatumo Faragalin Siyaasiintii Dhamaan waxaa ay isugu geysay Magaalada Burco,marka lama Aqbali karo in Somaliland ay ka dhaxshaqeyso Reer Khaatumo”ayuu yiri Madaxweyne Galeyr.

Cali Galeyr ayaa bilooyin ka hor sheegay in maamulkiisa uu wadahadal la galayo Somaliland, iyadoo arintaasi ay ka horyimaadeen siyaasiyiinta Khaatumo.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimadalive.com