Carta oo arimo uusan fileyn kala kulmay odayaasha gobolka Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carta oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa arimo uusan fileyn kala kulmay odayaasha Hiiraan.

Kadib kulan saacado qaatay oo dhexmaray ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa odayaasha waxay u gudbiyeen cabashooyin badan oo ay qabaan.

Odayaasha dhaqanka ee Hiiraan ayaa soo gudbiyay kulamadii kala duwan oo ay la yeesheen ra’iisul wasaaraha dalka, madaxweyne Xasan iyo wasiiro marar badan tagay magaalada Beledweyne.

Maxamed Cumar Carta, ayaa odayaasha ka dhageystay balanqaadyo badan oo odayaasha loo sameeyay balse aysan dhaqan gelin madaxda dowlada Soomaaliya.

Waxaa haatan magaalada Beledweyne ka socdo dadaalo la doonayo in odayaasha dhaqanka ay ku taageeraan shirka ka socdo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Carta ayaa shalay u sheegay shacabkii magaalada kusoo dhaweeyay inuu wax badan ogaan doono marka odayaasha dhaqanka ay isla gorfeeyaan doorkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com