Qarax aad u xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

AvatarBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxaani oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir gaar ahaan wadada hormarta Xerada Rajo.

Qaraxa oo ahaa gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa laba ruux kuwaasi oo ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Sidoo kale, Qaraxa oo xooganaa ayaa waxaa ka dhashay dab xoogan, waxa ayna dadka deegaanka soo warinayaan in halkaasi ay ku gubteen gaadiid.

Gaariga ayaa la sheegay in uu lahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Milatariga Somalia.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Dabdamiska Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo C/naasir, ayaa u sheegay Warbaahinta in ay guuleysteen in ay damiyaan dabkii ka dhashay Gaariga ku Qarxay degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir.

C/naasir ayaa sidoo kale sheegay in Gaariga uu ku dhaawacmay darawalkii waday.

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaan weli ka hadal Qaraxa, waxaana jira warar sheegaya in mid kamid ah dadkii ku dhaawacmay uu Isbitaalka ku geeriyooday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com