Fadeexad ka socota hoolka shirka Jowhar iyo DF oo shirka fashilineysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe, ayaa sheegaya in Hoolka uu shirka ka socday uu yahay mid haawinaaya kadib markii Ergadii shirkaasi ka qeybgaleysay ay ku laabteen Goboladooda.

Kulan ay mas’uuliyiinta DFS ka joogta magaalada Jowhar la qaaten Ergada ayaa waxaa lagu wargaliyay in wixii xiligaani ka danbeeya aysan qaadan doonin lacagihii joogtada ahaa inta uu shirka socdo.

Mas’uuliyiinta ayaa Ergada u sheegay inaanu aqbaleynin in Madasha loo imaado keliya Cunitaan iyo Jiif, sidaa aawgeedna aysan mudneyn inay sii joogan Madasha Shirka.

Ergada ayaa waxaa la sheegayaa in laga jaray mid 80$ oo maalin waliba la siinaayay, waxaana iminka Hoolka iyo qeybaha jiifashada faarujiyay inkabadan 82 Ergo, hayeeshee waxa ay dowladu qarineysaa fashilka ka dhashay canaanteeda.

Mid kamid ah Ergada ayaa sidoo kale sheegay in madasha shirka ay ka taagan tahay fadeexad aad u ballaaran, isla markaana Ergada qaar laga jaray raashiinkii ay meesha ku lahaayen.

Ergada qaar ayaa sidoo kale la sheegayaa in qalqal laga galshay goobihii ay jiifan jireen, waxaana iminka halis loogu jiraa in gabi ahaan shirka uu joogsado.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ujeedka ay dowlada u jartay dhaqaalaha, Cunada ay tahay inuu fashilmo shirka si dib u dhac uu ugu imaado shirka.

Mid kamid ah Ergada oo lagu magacaabo Maxa’uud Axmed, ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn uu yahay in la fashiliyo shirka si dowladu ay dib u dhac joogta ah ugu sameyso doorashada.

Madaxweynaha dalka oo isna maalintii shalay aheyd ku wajahnaa magaalada Jowhar ayaa baaqday sababo la xiriira carada Ergada oo soo gaartay.

Shirka Jowhar ayaa waxaa qas ku haya Dowlada Somalia oo iyadu dooneysa in si indha-qabad ah ay ku dhisto maamul codadka u raadinaaya Xassan Sheekh iyo Dowlada Ethiopia oo dhinac ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com