Maamulka Sh/Dhexe oo laalay go’aan dhawaan ay gaartay DF iyo doorashadii 2016 oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka biya diiday go’aan dhawaan ay soo saartay dowlada Somalia, kaa oo lagu doonaayo in Xildhibaanadooda lagu soo xulo Muqdisho.

Maamulka ayaa qaadacay go’aankaasi kasoo baxay dowlada waxa uuna maamulka tilmaamay inaanu jirin deegaan la’aan, sidaa darteedna ay ku qanacsan yihiin in Xildhibaanadooda lagu soo dhex xulo deegaanadooda.

Abuukar Cali Xasan ”Maqaneey” oo ah Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka ee maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa sheegay in hadalka kasoo baxay dowlada ee ku aadan Xildhibaanada lagu soo xulaayo magaalada Muqdisho uu yahay mid iyada u gaara.

Maqaneey, waxa uu sheegay in deegaanada maamulka uu yahay mid amaan ah, isla markaana ay jiraan goobo dhowr ah oo lagu qabankaro doorashada sidaa aawgeedna aysan raali ka aheyn in Xildhibaanadooda lagu soo xulo magaalada Muqdisho.

Maqaneey, waxa uu sidoo kale daboolka ka qaaday in Khilaafka uu yahay mid salka ku haya tas-hiilaadka ku baxaya Ergada ka qeyb galeysa Shirkaasi.

Maqaneey, waxa uu cod dheer ku sheegay in maamulka uu ka soo horjeedo Xildhibaanada Gobolkaasi ee la sheegay in lagu soo xulayo Magaalada Muqdisho.

Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay in wixii ay u awoodo maamulka ay ku siiso xulista Xildhibaanada, haddii dalabkaasi la waayana aysan diyaar u aheyn in Xildhibaanadooda lagu xulo Muqdisho.

Dhinaca kale, waxa uu carabka ku dhuftay in marka la’eego amniga ay deegaanada maamulka ka wanaagsan yihiin magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com