Sawirro: Deegaano ka tirsan Ethiopia oo meydadku ay is dulsaaran yihiin

Addis Ababa (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Ethiopia ayaa qortay in tiro dad ah ay ku dhinteen mudaaharaadyo rabshada watay oo ka dhacay duleedka magaalada Addis Ababa.

Warbaahinta oo xiganeysa qoraal kasoo baxay xafiiska isgaarsiinta ee Dowlada Ethiopia ayaa lagu sheegay in fowdo ka dhacday duleedka caasimada ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad dhowr ah.

Saxafiyiinta u dhashay dalkaasi ayaa sheegay inay arkayeen meydad badan oo lagu daadiyay meel god ah, waxaana ilo wareedyo mucaaradka taabacsan ay sheegeen in dadka dhintay ay gaarayaan ilaa 50 qof oo gabi ahaan shacab ah.

Rabshada ay dadkaasi ku nafwaayen ayaa bilaabatay ka dib markii ay dad mudaharaad samaynayay ay horjoogsadeen khudbado ay odayaal ka jeedinayeen goob lagu cibaadeysto.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka Orobomada ee OFC Mr Merera Gudina, ayaa sheegay in dadka ay dileen ciidamada iyo kuwa isbuursaday ay gaarayaan ilaa 50 ruux.

Dadka is buursiga ku dhintay ayaa ahaa kuwo ka cararaayay rasaas cirka ay u fureen ciidamada booliska.

Dalka Ethiopia dad fara badan ayaa lagu dilay tan iyo dhamaadkii sanadki tagay ee 2015-kii bannaanbaxo daba socday qorshahaasi, oo ay Dowladu ku dhawaaqday in ay ka laabatay horraantii sanadkaan.

Geesta kale, Beeraleyda qowmiyadda Oromada ayaa ka cabsi qabay in tallaabadaasi ay ka barakicin doonto beerahooda.
meyd-1

meyd-2

meyd-3

meyd-4

meyd-5

meyd-6

meyd-7

meyd-8

meyd-9

meyd-10

meyd