Culimada Soomaaliyeed oo Farmaajo iyo Kheyre ka dalbaday saddex arrin oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah culumada Soomaaliyeed ayaa talooyin kala duwan usoo jeediyay hogaanka ugu sareeyo dalka Soomaaliya, iyaga oo taladooda ku saleeyay shaqsiyaadka ay magacaabayaan madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre.

Sheikh Xasan Jaamici oo kamid ah culumada Soomaaliyeed oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa kula dardaarmay hogaanka dalka inay seddex sifo ka fiiriyaan shaqsiyaad ay xilalka u magacaabayaan.

Wuxuu sheegay in marka hore dhamaan hogaanka dalka looga baahan yahay inay dadka ay magacaabayaan ka fiiriyaan shaqsiyaadka ay magacaabayaan inuu yahay qof aamin ah oo aan TUUG aheyn ama wax xadin.

Wuxuu sheegay in ruuxaasi uu ku wanaagsananaayo amaanada dadka loogu dhiibo, sidaasi daraadeedna looga baahan yahay in madaxda dalka ay fiiriyaan amaanada ruuxa ay magacabayaan uu leeyahay.

Qodobka labaad ee u baahan in laga fiiriyo shaqsiyaadka xilalka loo magacaabayo ayuu ku tilmaamay ruuxa cilmiga uu leeyahay xilka loo dhiibaayo, maadaama haddii uusan aqoon u laheyn howsha uu qabanayo uusan awood u laheyn inuu u adeego dadweynaha.

Ugu dambeyn madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayuu usoo jeediyay inay ka fiiriyaan ruuxa ay magacaabayaan waaya aragnimada uu leeyahay shaqsiga, taasi oo wax badan badali karta.

Sheikh Xasan Jaamici ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka iyo xubnaha mucaaradka inay dhankooda cilmi ku saleeyaan mucaaradnimada, islamarkaana ay la shaqeeyaan dowladnimada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com